Xukuumadda Oo Tahli Weyday Inay Dalka Keento Shidaalkii Ay Balan Qaaday

Hargeysa(Hayaannews)-Xukuumadda Somaliland ayaa tahli wayday inay dalka keento shidaal ay hore u balan qaaday inay keenayso bishan Oktoobar, iyadoo shirkadaha shidaalkana ka joojisay bishii hore ee September iyo Oktoobar inay wax shidaal ah dalka keenaan, gaar ahaan Baatroolka.

Baatroolka

Warqad uu dabayaaqadii bishii hore ee September maareeyaha haamaha shidaalka Xasan Axmed uu u gudbiyay shirkadaha shidaalka, ayaa wuxuu ku wargeliyay inaan bishaas hore ee Septermber intii ka hadhsanayd [markaas waxa bisha ka hadhsanaa tobaneeyo maalmood] iyo bishan Oktoobar meel loo haynin shidaal ay dalka keenaan, gaar ahaan baatroolka. “Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar.” Sidaas ayay tidhi warqada maareeyaha haamaha shidaalku.

Laakiin bishan Oktoobar oo hadda marayso maalmihii u dambeeyay ayaanay xukuumadu dalka ka keenin wax baatrool ah, waxaana weli dalka lagu sii kala wadaa baatroolkii ay hore u keeneen shirkadaha dalka shidaalka ka keenaa ee haamaha ku jiray.

Naafato

Geesta kale, waxa dalka muddooyinkan u dambeeyay laga dareemay gabaabsi dhinaca naafatada ah, iyadoo ay dawladu dalka ka mamnuucday in la keeno naafato sulferkeedu ka badantahay 500 ppm, “Xagga naafatada waxa aan wada ognahay in aa la keeni karayn naafato sulferteedu ka badanthay 500 ppm, sidii marar hore af iyo qoraalba aan iskugu sheegnay. Waxa kale oo aan idinla socodsiinaa in ay dhici karto in dawlada qudheedu ay naftada keento sida ay ugu talo jirto in baatroolkaba ay u keento.” Sidaas ayay warqada maareeyaha haamaha shidaalku tidhi.

Laakiin markii uu dalku galay xaalad naafato oo gabaabsi ah, waxa ay shirkadaha shidaalku dekedda Berbera ku soo leexiyeen markab la sheegay inuu badweynta marayay oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho kaas oo siday naafato la sheegay in sulferkeedu ka badantahay 5000 ppm, waxaana naafatadaas lagu shubay haamaha shidaalka shalay, waxaana la filayaa inay suuqa soo gasho maanta.

Naafatadan ayaa ah noocii ay xukuumadu hore u mamnuucday, laakiin markii baahidii timid xukuumaduna keeni kari wayday naafatadii tayada lahayd ee ay balan qaaday ayaa la ogolaaday in naafatadan lagu shubo haamaha.

Gunaanad

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay inay xukuumadu tahli kari waydo inay dalka keento shidaalkii ay hore u balan qaaday, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ka hadlaya sababta xukuumadu dalka shidaal u keeni kari  wayday.