Xukuumadda Somaliland Oo Deeq Dawooyina Gaadhsiisay Deegaanada Gobolka HAWD Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Shubanku.

Xukuumadda Somaliland Oo Deeq Dawooyina Gaadhsiisay Deegaanada Gobolka HAWD Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Shubanku.

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhsiisay qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Hawd dawooyin Kala duwan oo lagaga hortagayo xanuun dilaacay shubanka.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Hawd, Maxada qaybta gurmadka degdega ah ee Wasaaradda Horuarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Weheliye iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa kormeer hawleed oo ujeedkiisu yahay u kur-gelida xaladdaha caafimaad ku soo maray deegaanada ,Baargow, Saylabari,ina Cunaaye, Balicabane, Gumar,Balligubadle,Gumburaha banka,iyo deegaamo badan oo ka mid ah, deegaamada gobolka hawd iyo dhammaan xarumaha caafimaadka ee ku yaal degaamada.

Sida oo kale kormeerka waftiga ayaa daaranaa, in la gaadhsiiyo ,dawooyin iyo agab kale oo kala duwan oo loogu talo galay in lagaga hortago, xanuun dilaaca shubanka, Iyadda oo dawoyinkan la gaadhsiiyay dhammaan xarumaha caafimadka, waxaana ay sidoo kale Isudwaha iyo waftigiisu booqdeen dadkii shubanku ku dhacay, waxaana heegan ku ahaa goobaha shaqaalaha caafimaadka iyo gaadidka gurmadka caafimaadka.

Isuduwaha iyo masuuliyiinta ayaa dhammaan bulshada gobolka Hawd iyo deegaanada hoos timaada kula dardaarmay in ay qaataan fariimaha wacyigelinta ee kasoo baxaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ku aadan xanuunka Shuban biyoodka oo lagu arkay qaybo ka mid ah goboladda iyo dagmooyinka dalka.