Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Siday U Aragto Hadal Ka Soo Yeedhay Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Hargeysa (Hayaannews) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan hadal dhawaan ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ku saabsan in dib loo anbaaqadayo wada-hadalladii hakadka galay ee labada dal u dhexeeyey iyo mucaawinooyinka Beesha Caalamku Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo u warramay Telefiishanka Bulsho isagoo ku sugan dalka dibeddiisa, ayaa sidoo kale ka hadlay waxaa ka jira xidhiidhka la sheegay inuu Somaliland iyo Isreal dhex mari doono, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ma rabo in aan arintaas ku deg-dego, waa wakhti aad u horeeya dhawaan bay ahayd markii uu Raysal-wasaaruhu hadlay, Raysal-wasaaruhu hadal buu ka sii daayey warbaahinta macnaheedu maaha mid mid toos ah oo dhaqan ah oo Dawladdiisu ku dhaqmi doonto, anagu ma hubin karno, waxay ku xidhan tahay siday wax u hirgalaan, siday Dawladdiisu u sii wado arintaas bay ku xidhnaan doontaa, Somaliland waa la ogaa waa tii wada-hadallada si wanaagsan uga qayb gashay, oo diyaar u ahayd inay khilaafka labada waddan u dhexeeya in lagu dhammeeyo, Soomaaliya ayaa kharibtay, haddii ay wax iska beddalaan oo ay muujiso in si dhab ah looga wada hadli karo Somaliland diyaar bay u tahay”.

Mar uu ka hadlayey hadal uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku sheegay inay ka shaqayn doonto sidii ay Somaliland u soo gaadhsiin lahaayeen Mucaawimooyinka ay Beesha Caalamka u soo mariso ayuu yidhi “Hadalkii Raysal-wasaaraha waan dhegaystay, waana maqlayey wuxuu ku hadlay oo dhan, waxay ku xidhan tahay siday wax uga dhaboobaan dawladdiisa iyo inta ku xidhan iyo madaxdiis, u qanciyo ee uu hawshaas u fuliyo awooddiisa,  iyo sida uu Siyaasadda ay awalba Soomaaliya ku dhaqmaysay sida uu wax uga beddelo ayey ku xidhan tahay”.

Mar wax laga weydiiyey inay Somaliland iyo Isreal wada-hadalo u socdaan ayuu yidhi “Anigu garan maayo sheekadaas halkaad ka keentay, mana jirto ee cidii ku tidhi xaqiiqada ka doon..”