Xukuumadda Somaliland Oo Laashay Dhamaan Ruqsadihii Shirkadaha Isgaadhsiinta

Waxa lagu amray in ay ruqsado cusub ku soo codsadaan muddo 30 maalmood gudahood ah

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada JSL, ayaa laashay guud ahaanba ruqsadihii ay ku shaqaynayeen Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, waxaana lagu amray in ay dib u soo codsadaan qaadashada Liisamada, si loo waafajiyo xeer-nidaamiyaha adeegyada Isgaadhsiinta Dalka oo ay sanadkii hore soo saartay Wasaaraddaasi.

Sidaasina waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Suufi Jibriil, taasoo ku taariikhaysan 11/01/2021, laguna socodsiiyey Shirkaddaha, Telesom, Somtel, Golis Somaliland, Nationlink, Africa Online iyo Somcable, isla markaana ogaysiis lagu siiyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wareegtadan oo nuqul kamida ay heshay Shabakada Hayaannews, ayaa waxa Shirkaddaha isgaadhsiinta loo qabtay in ay Liisanka cusub ku soo codsadaan muddo 30 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda wareegtadu soo baxday.

Wareegtada ayaa lagu yidhi sidan:

“Mudaneyaal Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu iyadoo dhaqan gelinaysa xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta Xeer- nidaamiye Lr.02/2020 waxa ay laashay dhamaan ruqsaddaha Isgaadhsiineed ee ay haystaan shirkaddaha bixiya adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta, laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 11/01/2021.

Haddaba waxa ku waajib ah adeeg-bixiyeyaasha in ay soo codsadaan ruqsadaha isgaadhsiineed qaab waafaqsan xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta” ayaa lagu yidhi Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiweli Suufi Jibriil.

Waa markii ugu horaysay ee ay Xukuumaddu soo saarto go’aan miisaankan leh oo si u wada saamaynaya Shirkaddaha Isgaadhsiinta, kuna taxaluqa dabaqaada shuruucda Isgaadhsiinta ee ay xukuumaddu soo saartay, iyadoo sida ka muuqata go’aanka Wasiirka la doonayo in la suggo oo la is-waafajiyo baaxada adeegyada Isgaadhsiineed ee ay Shirkadduhu bixiyaan iyo xaddiga Cashuurta ku waajibtay.

Dhaqan-gelinta Xeerarka la xidhiidha Isgaadhsiinta iyo abuurida kuwo cusub oo la jaan-qaadaya xawaaraha ay ku socoto Isgaadhsiinta casriga ah, ayaa qayb ka ah waxqabadka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada JSL ku guulaysatay saddex sannadood ee u dambeeyey.

#Mustafe_janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com