Xukuumadda Somaliland Oo Lacagta Ka Bixinaysa Murrashixiinta Haweenka Iyo Beelaha La Hayb-Sooco.

Hargeysa(#Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Wareegtadan ka soo baxday Madxtooyada JSL waxa Wasiirka Maaliyadda la faray in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Sidoo kale waxa Xisbiyada Qaranka, Xisaabiyaha Guud, Hantidharka guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Gudiga Doorashoyinka lagu ogaysiiyay in lacagtii laga dhaafay Murashixiinta Haweenka iyo Dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, wareegtadiisan waxa uu ku yidhi

Mudane Wasiir, Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.