Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Soomaaliya, Ka Dooday Xeerka Waddo Marista
October 8, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo War-murtiyeed Ka Soo Saaray
Hadalkii Soomaaliya Hore Uga Soo Yeedhay, Kana Dooday Xeerka Gaadiidka Iyo
Waddo Marista.
Fadhigii 65aad ee
golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo
Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray
war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
• War-murtiyeed
Arrinka ka soo
yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa
Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.
Horeba Soomaaliya way
u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka
daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo
waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.
Sidaa daraadeed
muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been
abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana
horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan
ciqaabta sharci ee ku habboon.
• Amniga
Wasiirka wasaaradda
arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda
nabadgelyo ee dalka.
• Xeerka gaadiidka
iyo waddo marista.
Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka. Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo waddooyinka.”