Xukuumadda Somaliland Oo U Digtay Maamulka Garoowe

Hargeysa(Hayaannews)- Xukuumadda JSL, ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Maxamed Xasan Cali Weji,   kaasi oo u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa  inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mind ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya  soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa  in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso  Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah JSL. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu  daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey.

Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland.

Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdilaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday  xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.”