Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Wakhtiga Laga Gudo geli Howlaha Doorashooyinka


Muqdish(Hayaannews): Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta ay guda-gali doonaan howlaha doorashada madaama uu waqtigu gabaabsi yahay.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in maamul gobolleedyada qaarkood soo gudbiyeen guddiyadii doorashada ee laga sugayay taasoo sahli doonta ayuu yidhi in la sii guda-galo howlaha doorashada.

”Howlaha ugu adag ee hadda horyaala Xukuumadda cusub ayaa ah suggida Amniga dalka iyo goobaha ay doorashadu ka dhaceyso” ayuu yidhi Wasiirka.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in hadda dawladdu wado qorshihii lagu sugi hawlaha Amniga, oo sida uu hadalka u dhiggay ah mas’uuliyad adag oo loo baahan yahay in ay dowladdu qaadato..

Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa ku heshiiyay doorasho waqtigeeda ku dhacda iyadoo guud ahaan marka la eego muddo xileedka dowladdan uu ku eg yahay 8da Feberaayo ee sanadka 2021ka.