Xukuumadda Muuse Biixi Ma Shaasheyn Karto Nabadgelyada Gobolka Sanaag Oo Ku Taagan Tiir Adag iyo Heshiiskii 1993-kii Ee Shirkii Afarta Beelood.

Waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey xiisad colaadeed oo sababay khasaare dhimasho iyo daawac ah ay ka aloosan yihiin qaybo ka mid ah Galbeedka buuraleyda Gobolka Sanaag, taas oo u dhexeysa labada beeleed ee kala ah Udu-ruxmiin (Habar-jeclo) iyo Muuse Ismaaciil (Habar-Yoonis).

Colaadan oo ka bilaabantey muran dhul ka tirsan deeggaanka Dayaxa, halkaas oo laga helay macdanta Dahabka ayaa markii ugu horeysay lagu diley nin ka soo jeeda beesha Udu-ruxmiiin kadib markii maleeyshiyo Muuse Ismaaciil ahi ku fureen rasaas dadka deegaanka Raqas iyaga oo doonayey inay xoog ku qabsadaan dhulka dahabka laga helay badhtamihii bishii hore ee Abriil 2024.

Haseyeeshee, waxaa xaaladu faraha ka baxday markii Maleeyshiyaadkii Muuse Ismaaciil mar labaad dib ugu soo laabteen dhulka iyada oo aan wax heshiis ah laga gaadhin dhiiga ninkii ay dileen, waxaana arrintaasi ka cadhooday beesha Udu-ruxmiin oo qaaday talaabo ay ku go’doomisay maleyshiyaadkaas oo dhowr maal-mood ku xanibnaa labo buurood dhexdood, balse markii dambe lagu soo daayey codsi ay odayaal reer Maydh ah oo iskood isu xilqaamay ay u-jeediyeen dadka deegaankaas. Xukuumadda Somaliland ayaa labada dhacdo ka dib u dirtey deegaanka Wefti ka koobaan Wasiiro iyo Xildhibaano si ay u soo afjaraan khilaafka labadaas beelood ee walaalaha ah,kuwaas oo gaas iyo kibriid ku sii qabtey colaadii oo hadda ku fidey meelo baddan oo ka mid ah buurta TABCA, halkii laga eegayey inay nabadeeyaan labada beeleed ee khilaafka yari ka dhex oognaa. kuwaas oo dib ugu soo laabtey Hargeysa kaddib markii ay munaafaqad iyo naxli soo dhex dhigeen dadkaa is nuug iyo tamar wadaag ahaa weligood.

Waxaana dad baddani rumeysan yihiin in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka shaqeynayso isku dirka iyo iska hor-keenka beelaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa Sanaag oo iyagu nabadgelyadooda ku taagan tahay tiir adag iyo ixtiraam loo hayo heshiis afarta beelood ee dega Gobolka Sanaag wada dhigteen dhowr iyo sagaashankii.

Si kastaba ha ahaatee, waxa biyo kama dhibcaan ah in xiisada ka aloosan buuraleyda Waqooyiga Sanaag sida ugu dhakhsaha baddan loo demin doono kaddib marka ay isu-taagaan Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kale ee Gobolka Sanaag, wixii dhiig iyo khilaaf ahna laga heshiin doono, laguna soo dabaali-doono nabadgelyo iyo is-afgarad, maaadama colaadu tahay mid salka ku hayso barwaaqo iyo Dahab ku dirir.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland