“Ma-jiri Doonto Waa Laga Tiro Badan Yahay, Waa La Hayb-sooca, Oo Waa La Yasaa,….” Barkhad-BATUUN.

Hargeysa(Hayaannews): Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo noqday Xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Wakiillada Somaliland ee ku soo baxay tartankii doorashada Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021-, isaga oo ku tilmaamay guushiisa inay jabisay dayrkii qabyaalada iyo hayb-sooca.

Sidaa waxa uu Barkhad Batuun ku sheegay mar uu maanta la hadlayay qaar ka mida warbaahinta Somaliland

“Shacabka ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex, Magaalada Hargeysa, degmo kasta oo aad dagan-tihiin, waxan idiin hayaa abaal iyo ogaal.Walaalayal waxaad iga dhigteen Astaan qaranka Somaliland uu leeyahay, waxaan idiin balan-qaadayaa in aan noqon doono adeege umadeed”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun oo la hadlayay dadkii doortay.

Mar uu Barkhad Batuun ayaa waxa uu sheegay inuu dumiyay dayrkii dulmiga, waxaanu yidhi“In baddan baa layna laha waa laga tiro badanyahay oo aynu aqbalay, in badan baa la laha waala hayb-sooca oo aynu aqbalay, maanta waxaynu duminay dayrkii dulmiga”

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaynu muujinay muruqeena, maskaxdeena iyo muwaadin nimadeena, waxaynu muujinay macnaha aynu dalka ku leenahay. Ma-jiri doonto waa laga tiro badan yahay, ma-jiri doonto waala hayb-sooca, ma jiri doonto waala yasaa, gob ayaad tihiin, idinka dadka ugu sareeya, meel ka sokaysa in aad muwaadiniinta Somaliland tihiin oo aad qabsatan yayna jirin”.

Barkhad BATUUN ayaa noqday Xildhibaankii Ugu codka badnaa abid ee ku soo baxa Golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo helay 20, 231-cod

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com