Xildhibaan Maxamed-ABIIB Oo Laga Joojiyay inuu Ka Soo Qaybgalo Kal-fadhiga 5aad Ee Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa  laga joojiyay maanta inuu ka soo qaybgalo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada, kadi markii uu buuq ka buuray Golaha oo ku jira shaqadiisa caadiga ah.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray  Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiilada  ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Siciid Mire Faarax (Giire) oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Waxaana Warsaxafadeedkaas lagu sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib  buuq ka abuuray Golaha oo ku jira shaqadiisa caadiga,isla,markaana go’aan  gole laga joojiyay fadhiyada ka hadhsan  Kal-fadhigan 5aad ee Golaha Wakiillada.

Waxaana uu u dhignaa Sidan:

Ku: Mudane Maxamed Abilib Yuusuf

Ku: Gudida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada Og: Guddoomiye ku-xigeenka 20ad ee Golaha Wakiillada

Og: Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiillada JSL

Ujeeddo: Joojin Fadhi

Waxaan lagu wargelinaya in laga joojiyey Kal-fadhigan 5aad Fadhiyada ka hadhsan oo dhan laga bilaabo 12/03/2023, Ka dib markii aad Golaha oo ku jira fadhigii caadi ahaa aad ka bilowday buuq, Golaha oo ku jiray mid ka mid ah shaqooyinkiisa caadiga ah.

Haddaba waxaa go’aan gole lagaga joojiyeey Fadhiyadas ka hadhsan Kal-fadhigan 5aad ee Golaha Wakiillada oo ku dhaman doona

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com