Caashaqa Ha Baayicin!

Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-GANAY)-Hayaannews

Tan iyo waagii erayga qoran la helay, aadanuhuna bartay adeegsigiisa, suugaantu waxay ahayd duxda ugu wanaagsan ee eraygaa qorani leeyahay. Suugaantu waxa ay uumiyaha u ahayd daaqad ay ka dheehdaan dhacdooyin tagay, miisaan ay saaraan taaganta iyo agab ay ku oddorosaan timaadada iyo dhacdooyinkeeda waayuhu soo sidaan. Waxa ay ahayd suugaantu–welina tahay–muraayad bulshadu isku daawato iyo fure ogaalkooda hoose lagu helo albaabna ugu noqda helidda siraha qarsoon ee kawnka. Mar kale waxay u ahayd madal u dhiganta waadi cabqar, oo uu qof walba caqligiisa kaga dhurto miidda iyo micnaha erayga. Suugaantu waa dugsi qofku ka baran karo nolol dhammeystiran oo saxar la’. Waa duni uu kula kulmi karo arwaax ka hoyatey ifka oo qaarkood lacnad huwin karo, dar kalena duco u miisi karo.

Marar badan, suugaantu waa dabiib iyo hab nafeed oo qofku isku baanto, ku nafiso oo uu kaga baxsado dareemadiisa kuwa ugu qaabka daran, sida ugu sahlan ruuxda u khaarajiya. Mar waa wadiiqo uu qofku wax isugu sheego ama cid kale war ugu tebiyo. Marka uu naftiis qofku la hadlayo, waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa abwaan Cabdiqays oo la hadlaya naftiisa, asii hadalka oo ka dallacmay aynu u helnay erayadiisa isaga oo leh: Waxaad jeceshahay lama helo NAFTAYDAAY, wax ku jecelna diidee!’’ Waa hees uu Cabdiqays ku aamusinayo doqonnimada naftiisa, ugu caqli celinayo, damceedana ku hor joojsanayo.

Sawirka Cabdi-Qeys

Mar kale suugaantu waa agab dagaal iyo hub lagu duullaan tago, hagardaamo aan hadhinna lagu gaarsiiyo colka aad xiiro-xiiraha tihiin. Si fudud suugaantu waa astaan halgan iyo guubaabo aan harin; waxaa tusaalaha ugu mudan noqon kara guubaabaddii Soomaalidii geeljiraha ahayd isugu tabin jirtay gabayga iyo maansooyinkii gobannimo-doonka ahaa ee lagu dagaal galay, xornimo lagu naalloodona lagu gaaray.

Suugaantu waa agab ay ku wada xidhiiidhi karaan labo qof oo adduun iyo aakhiro kala jooga. Waa kan Xasan Ganey oo heestii Daljir kula sheekaysanaya AUN halgamaa sheekh Bashiir oo dhintey. Heestan waa tii koowaad ee lagu barto Xasan Ganey iyo AUN Axmed Nuur Jaangoow, oo laxankiisa cuddoon isku baray dadka; haddii Cabdikariim Jiir heesta “Sabab Kale Ha Moodine” ay tahay tan laxankiisa wanaagsan dadka bartey, heesta Daljirna Jaangoow kaalin taas la nooc ah ayey fankiisa ugu jirtaa.

Sidaan horey u sheegnay waa is wareysi qof tawafay iyo mid nool u dhaaxeeya. Abwaan Xasan Ganey wuxuu noo sawirayaa xilligga sheekadu bilaabantay, dabadeed wuxuu noo tabinaya cidda ay kulmeen iyo waxa ay ka wada hadleen. Xilligu waa goor dad wada gam’ay, xiddiguhuna dhammaantood sidii oo ay colloobeen cirka ban cidlo ah ka dhigeen samada guudkeeda. Waxa uu si muuqda ula shekaysanayaa Sheekh Bashiir. Wuxuu waydiinaya dad ay wada yaqannaan oo dunida ka tagay: markii ay is toydaan ayuu Axmed Gurey u horreysiinaya weydiimihiisa, dabadeed waxa loogu jawabaaya;

Xalanuu la darisyahay,

Duddadaa u kala rogan,

Xaawina ma durugsana”

Sayid Maxamed iyo xertii Daraawiisheed in ay dib isu arkeen ayuu warsanayaa, kolkaas ayuu ugu jawaabayaa;

“Degel baanu wada niil

Weyse diga rogteen shalay.’’

Mar kale ayuu su’aal u celinayaa; Jeneraal Daa’uud isaga ma is aragteen? Ayuu leeyahay, kolkaas ayuu ugu jawaabayaa;

“Duleedkayga weeyaan

Dadna waysku jecelnahay.”

Maxamuud Xarbi oo araggiisa cid ugu danbeysay markii uu diyaaradda raacay iyo Faarax Oomaar miyaad is aragteen iyaga? ayuu ka daba tuuraya inta uusan hadalka dhammeyn, isna wuxuu ugu jawaabayaa:

“Durdurrada Niciimaa

Malag daadaheeyaa”

Sawirka AUN Axmed Nuur JaangowAUN Axmed Nuur Jaangow(1950–2008)

Waxaan oran karnaa; suugaantu waa uurkubaalleynta ruuxda iyo is-diidooyinkeeda. Waa goonimeernimada qalbiga. Waa gorfeynta garaadka. Waa xabsiga xasuusaha. Waa dalxiiska dareemada. Waa tabashada maanka. Waa shidaalka kasmada. Waa catowga dubaaqa. Waa badbaadada nafta.

****

Suugaanta noocaas ah ee waxaas oo shaqo qabata, ayaa leh qof “Suugaanyahan” la yiraahdo. Waa shakhsiga dareen walba oo aadmigu leeyahay u beddeli kara erayo cuddoon oo damiirka toos ula hadla. Abwaan Xasan-Ganey Xaaji Cabdillaahi isaga oo maanka ku haya kaalinta uu Hal-abuurku ugu jiro bulshada ayuu toddobaatanaadkii falkiyey riwaayad caan ahayd oo heeso badan oo cuddoon ku jireen. Waa ruwaayaddii loogu wanqalay “Dumistii Aqalkayga Iyo Arooskii Inankeyga!” Oo magac bixinteeda uu lahaa AUN abwaan Maxamed Cali Kaariye.

Ruwaayaddan oo uu abwaan Xasan-Ganey waxyaabo badan kaga hadlay, waa ruwaayaddii saddexaad ee abwaanku sameeyo, waxayna baarka sare kaga jirta suugaanta abwaanku sameeyey. Habeenkii sannadka cusub 1977 ayaa la daawadey, tiyaatarkana la saaray. Wuxuu kaga sheekaynayaa habdhaqanka ninka Soomaaliga ah ee guursiga badan, xilna aan iska saarin xilihiisa Iyo silica ka qabsada haweenayda u badheeda ninkaas, kuna dhiirrata gelidda nolol aan ujeeddo fog lahayn. Heesaha ku jira waxaa ka mid ah heesta aan u soconno ee “Caashaqa Ha Baayicin!” Oo ay talantaalli ugu luuqeeyaan AUN Xaliimo Khaliif Cumar “Magool” iyo Xasan Aadan Samater, naaxiyaddeedana uu lahaa AUN Axmed Nuur Jaangoow. Luuqda cuddoon e ay ku heesayaan ka sokow, waxa ay ka heesayaan dareen ka daahsoon noolaha Soomaaliga ah badankiis.

Sawirka Abwaan Xasan Ganey; Somali Week Fistival(2013)

Abwaan Xasan-Ganey, waxa uu heesta kaga sheekaynayaa barbaar bandhiganaya jacayl, dareen jacayl kaliya ma ahee, nolol danbe iyo macne shishe oo maalmaha xiisaha ka fog ayuu ka warramaya iyo inan caqligeeda hadleysa, caadifadduna hogaanka u hayn, una af-duubneyn aftahamada ragga. Wiilku, intaa wuu u sarbeebaya, hogatusaaleynna hadalkiisa ayuu ku ladhayaa. Wuu u caqliyeynayaa, aftahannimo ayuuna ku dagaal galayaa, gabadha ayaase mar walba karkaarka waydaarineysa, iyada oo aan asluubta iyo dareenka hagaagsan ka tagin. In kasta oo maankeeda ku wareegayaan erayo ay caqliga ragga kula yaabeyso, haddana marnaba afkeeda wax sawliil iyo meel-ka-dhac ah kama oraneyso.

Wiilka ayaa hadalka ku horreynaya. Wuxuu daliishanaya sida kawnkan iyo sunaddiisu tahay. Tan iyo maalintii aadamaha la uumay iyo haddeer oo uu dantiisa ka hadlayo wixii jirey ayuu baydad ugu koobayaa. Waa aftahan hadal yaqaan ah, dantiisana tuduc-tuduc u tidci kara, dabadeed ku jalbeebin kara duxdiisa maanka inanta. Ararta ayuu ku horreynaya isaga oo leh; Dhooleey, waagii arlada Alle abuuray, carradeeda goglay, cidhifyadeedana ciiddii uu goglay buuraha uga dhigay dhardhaarro adkeeya, badda iyo webiyadana durdur ay anfaacsadaan aadanuhu ka yeelay, waxaa jirey-welina siddii u jira, saddex wax oo isku sidkanaa, oo aan is beddelin: waa nabad iyo colaad, mid sabool ah oo faro madhan iyo qof hantiile ah oo quba anfaaciga iyo labo is caashaqayWuxuu ka sheekaynaya oo uu xasuusinayaa in coodka loo qorey aysan marna cunaheeda waydaaraneyn ee ay helayaan wixii calaf ee sedkooda aha haddii ay guri dhistaan, ee ay uur samaato, weedhiisa maqasho, oo ay hawraarsan iyo guddoona tiraahdo hadalkiisa:

“Cishaduu Ilaahay

Cirka taagay udub li’i

Ciidana ka dhigay gogol

Webiyada cartama iyo

Cidhifyada bad kaga xidhay

Iyo buuraha culus,

Cimrigeed adduunyada

Waxaa jira col iyo nabade

Caydh iyo nin xoole leh

Iyo labo is caashaqay

Caawana kama ay tegin

Caynkeynu ku ogeyn

Adna Calafka kuu qoran

Cuno seegi maayee

Caashaqa ha baayicin!”

Xasan Aadan Samatar (2019, Muqdisho)

Aftahannimadiisu maankeeda ma saaqayo, haddana isma diidsiineyso in uu yahay aftahan harawsan kara ciddii caadifaddu hogaamineyso. Ma cajabinayo garaad-hadalkiisu ee markeeda ayey iyaduna waadi Cabqar ka darsaneysa xikmadda iyo hadal helidda. Markeeda ayey garasho hadleysaa, nolosheeda in aysan ku fureyn Bankii Geeriyaadna u sheegaysaa, waxa u qoranna-oo qofka ay nolasha wadaagayaan ka mid yahay– ay is helayaan, laakiin aysan iska shalwineyn jar aysan dhammaadkiisa hubin.Harawsiga ina rageed iyo hadal badnidiisa ayey iska diideysaa. Garashadeeda ayey ku mooseysaa mawjadaha laboodka ee aan dhammaadka lahayn, guntoodana la gaarin.

Horey ayey uga dhaaratey in aan caadifaddu hogaankeeda qaban, oo khiyaalku hodin. Mar walba maankeeda waxa hor imanaya hoogga ka dhalanaya haddii ay caadifaddu hogaamiso. Si kalsooni leh, inta ay kursi jeegada ugu dhigatay ayey caqligeedana kaashaneysaa. Go’aan aan geed loogu ganban, cidna loogu gefinna golaha keenaysaa. Waxay ku dagaal galeysaa hees maankeeda ku wareegaysa, si fiicanna aysan u garin karin fannaanka ay Hibo-Nuura la qaadeyso;

“Nac haddaad faleysana

Nabad lagama jiitee

Waa lays daba nitiqiyaa” Haa, sidaas samee, waxba ha u gafin ayey isugu sheekaysay.

Haddii uu bilowgii dunida ka sheekeeyey, isla qodobkii uu sheegay ayey mid la mid ah ku beegaysaa. Sida dubnadda ayey la dhigaysaa markeeda. In caqliga lagu noolaado, maqaadiirtana aan loo badheedhin iyada oo aan qorshe laga lahayn dhammaadkeeda ayey u tebineysaa. Sida hablo badan ku ma qancayso wixii na loo qoray ayaan helaynaa, ee ha i diidin waaniga ku jecel sida dhashaadii e. In nolosheedu noqoto god madow gacanta gali ayey diiddeysaa, kuna gacan saydhaysaa.

Sideedaba, guurku waxa uu noqdaa “God madow gacanta gali” markii aan qorshe laga lahayn, si fiican laysu aqoon, ee si habqan ah iyo khayr ayey ku danbeyn la isku guursado! Si xasilloon ayey u leedahay; Cabdoow, haddal aan hufneyn, caqli ayaa lagu diidaa. Caqli ayaa lagu diidaa in dunidan la keeno ilmo aad ku cadaab mudan karto daryeel xumadooda. Caqlaa lagu diidaa adiga oo aan cilmiyeyn guurka in aad isku maqiiqdo. Caqlaa lagu diidaa guursiga qof aydaan isu nolol iyo duruuf ahayn geliddiisa. Caqlaa lagu diidaa adiga oo aan diyaar u ahayn guurka in aad gashid, caqlaa lagu diidaa in aan noloshayda danbe u khasaariyo guur aan micno u samaynay noloshayda ee cashaqaan igala aal!

Cishaduu Ilaahay

Caraddeena joojee

Aadan ciidda ka alkumay

Xaawana cadkiisiyo

Feedh-calaanta laga dhigay

Cishadaa ma unneyd

Caawana ma nooshahay

Caqlaa diiday hadalkuu

Carrab dalable sheegee

Ceeryaamo iyo boodh

Ciiro haysku qarinine

Noloshayda caydhiyo

Cilmi guur aan ku fadhiyin

Ku carcaari maayee

Caashaqa iska illow!’’

Sawirka Magool(1949–2004)

Codka asalka ah ee heesta ciddii dhagaysata, waxa uu Xasan Aadan leeyahay: “AAAAH” Waa midhaha isku dayga koowaad ee fashilka ku soo idlaada ee ina rag kala kulmo isku maqiiqidda gabar nolosheeda caqli ku maareysay, caadifaddana gadaal marsatey. Intaa kuma ekaanayo, waayo ina rag oo mar hore nadray in uusan si fudud isu dhiibin, go’aankiisa uga tanaasulin, riyadiisana kaga hadhin, oo kob cidlo ah is qotomin!

Mar kale ayuu soo rogaal celinayaa, dhan kale ayuuna ka soo duullaan tagayaa, weerarkana ka soo qaadayaa. Waa ina rageed oo xeelad iyo xoog waa mataano e, dheeg kale ayuu isa soo taagayaa. Wuxuu dhinac ka tusayaa in nooluhu kala duwanaan ku xukuman yahay oo laba walaal oo ib wada jaqday haynta adduun ku kala badan yihiin, garasho iyo ogaalna is dheer yihiin.

Wuxuu hor keenayaa tusaaleyaal badan oo dooddiisa xoojiya, garab iyo gaashaanna u noqonaya duullaankiisa. In dadka qaarkood sida naylaha durduriyaan, qaar kale qaalma-rogtaan, kuwo sida faraskii sayidkana buuraha fantaan, qaar kalena taako geddin karin oo ay fadhiid yihiin cilmiga Ilaahayna sidaa dhigay ayuu u sheegaya. Kuwo in indhuhu dam noqdeen, qaar kalena habeen madow gudaan iyaga oo araggooda ifsanaya ayuu mar kale hor dhigayaa. In waxaas oo dhan yihiin waano iyo wax ku qaadasho ayuu u tibaaxayaa.

Maahmaahdii ahayd: “Si jirtey, ma sii jirto” Ayuu u furfurayaa; in habeenkii xalay ahaa cirku huwanaa daruuro, caawana midh qudha lagu arag oo bankii Geeriyaad oo aan geed lagu ogeyn yahay ayuu dhagta ugu sheegaya. Kol kale, qori kale oo dabka uu shiday ee sii gamaaraya sii holciya ayuu raacinayaa isaga oo leh; hawlaha adduunyadu way is hareer socdaan, farxadda iyo murugaduna marba mid ayaa kor ahaada, waligeedna kafadda noloshu ma dheellitirmin ee Dhooleey ha baayicin caashaqa;

Xalaytaba caweyskii

Canabeey daruuruhu

Cimidh bay ahaayeen

Caawana laguma oga

Wakhtigii ku ciiliyo

Cisigiyo wanaaguna

Ways daba carraabaan

Waxaana kuu caddeyn kara

Caamiyaha indhaha liyo

Ma ogtahay curyaankaba

Cago looma waayine

Caynkaa wax loo yidhi

Kuwa cararayee ladan

Iney ku cibro qaataan

Caashaqa ha baayicin!”

Markan, hadalkii ka soo dhammaa wiilkii, go’aankii u danbeeyeyna wuxuu ku soo wareegay dhinaca inanta. Waxaa daqiiqaddii u danbeeyey hardamaya rejo qof ka dhursugaya iyo qof rejadaas in uu quus iyo niyad jab ku beddelo u guclaynaya. Sheekadu waa dhammaad, inantii markan in dhanka diinta loola kacay fahamtey. Garatey in dabinkii in rag ku dagi jirey hablaha aan aqoon badan lahayn loo dhigay. Asalkaba, ninka Soomaaliga ah markii caqliga lagula hadlo ayuu diinta isku qaadaa, isaga oo aysan dhab ka ahayn, laakiin ku dag is leh haweenayda aan ogaal diimeed oo fiican lahayn.

Waxay ku doodeysaa in ay iyaduba taqaan in gudcurka iyo cadadu walaalo yihiin iskuna sidkan yihiin. In maalin walba mid waayuhu laba dibleeyo, noloshu ku durduriso, jeedalkeeda quusta ahna la dhacdo, halka mid kale uu ku ciidayo nolosha, caruus noqonayo, caruurna u dhalaneyso. Mid in uu caafimaad yahay oo cood iyo cudud labadaba haysto midna uu caydh faro madhan, oo cunto iyo ceysh waayey yahay. Intaas oo dhan in ay u war hayso, laakiin aysan danteedu ahayn diidista dhammaan dhacdooyinkaas, asii ay ka tahay u caqli celin iyo wax u sheegid qof aysan dooneyn in uu nolosheeda hodo, qof kalena hagardaameeyo. Waxay leedahay;

“Baddoo caarid maalmo ah

Cawo daranta fiidkiyo

Caddadaa walaalo ah

Cadceeddii timaadana

Dadka ruux caddibanoo

Waayuhu ku ciiriyo

Mid caruusayaa jira

Caad igama saarree

Cilmiyada Ilaahay

Anigoo an caasiyin

Cabsi haygu gelinine

Adigoon cuud dhaqan

Caashaqaan ku taabtaan

Cudur daar u yeelee

Ceeb kale miyaan dhimay?”

Hadalkii ayaa halkaas ku go’aya, waa lagu kala dareerayaa, fadhigii bilnaa ee ay wadaageenna halkaas ayuu ninku kala hoyanayaa guuldarro. Labo mid ba waa ay caawiyeen gabadha; waa ta hore e, caqliga ayey ka horreysiisey caadifaddeeda, marka labaadna waxay ku dagaal gashay weerarkii ninkana ku jabisey aqoonteeda iyo kasmada xeesha dheer ee ay leedahay. Waxaa se hoog iyo ba’ u sugnaadey haddii ay ku jabto weerarada danbe ee uu soo qaadi doono.

Hablaha, waa in ay sida inantaas caqligu hogaammiyo, caadifaddana ay xilliyada xasaasiga ah meel ku oodaan. Waa in aqoontooda maadiga ah iyo diiniga ah aan lagu addoonsan, garashadoodana lagu ciideyn. Guurku waa go’aan labo qof oo qoys iyo nolol danbe oo abuur curdan ah lagu dhisayo, haddii lagu dagmo Qaddarka oo aynaan ogayn waxa uu maagan yahay waa hadimo aan dhammaad lahayn. Guurku wuxuu micno ku yeeshaa marka la darso ee la odorroso dhacdo kasta oo dhici karta, qorshe hagaagsanna laga yeesho. Qofka in uu garaad ahaan u koro ayaa go’aamisa guurka, oo u keenta noloshiisa danbe badhaadhe ku caano maalo.

Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-GANAY)-Hayaannews

Qalinkii:Cabdishakuur Qodax

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland 

Email: hayaannewsonline@gmail.com