Ambassador Baashe Cawil Oo Is-Casilay Iyo Sababaha Keenay.

Hargeysa(Hayaannews):  Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar.ayaa shaaciyay inuu gebi ahaan-ba iska casilay xilkii Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga  ah iyo Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya,

Sidaa waxa u uku sheegay Ambassador Baashe Cawil qoraal u uku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaanay u dhignayd sidan:

“Mudane Madaxweyne anoo xiganaya  Wareegtadaada summadeedu tahay

JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.

Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed  sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan  qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.”

Is-casilaada Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ee xilka Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa danbeeyey kadib markii uu shalay Madaxweynaha Somailand Md. Muuse Biixi Cabdi isku shaandheyntii ugu balaadhnayd ku sameeyey Xuuumaddiisa.

Sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon-yahay ayaa sheegayaa inay is-casilaada Ambassador Baashe Cawil ay la xidhiidho, kadib markii Wasiir ay beeshiisu lahayd xilka laga qaaday, isla markaana loogu bedelay xilka Wasiir kuxigeenka, taas ayaana keentay inuu iska casilo xilkaasi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com