“Aniga iyo Garaadada SOOL isku Aragti-baanu Ka Nahay Arrinta LAASCAANOOD” Suldaanka guud ee WARSANGELI Suldaan Siciid

Suldaanka-guud-ee-Warsangeli-Suldaan-Siciid-Suldaaan-Cabdisalaan-Hayaannews

Badhan(#Hayaannews): Suldaanka guud ee Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa markii u horeysay caddeeyey mowqifkiisa ku waajahan xaalada Laascaanood inuu taageersan yahay aragtida Garaadada Sool oo aanu ka ahayn dhexdhexaad arrintaas. isaga oo beeniyey warar sheegayay in Muuse Biixi xidhiidh la soo sameeyey Suldaanka, iyo warar kale oo lagu faafiyey baraha bulshada oo ah ayuu yidhi; “waxba kama jiraan”.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan waxa uu sidaa ku sheegay kooban oo uu xalay soo saaray

Suldaanka Guud ee Beelaha HARTI Suldaan Siciid, oo caawa la hadley warbaahinta ayaa si buuxda u taageeray aragtida Garaadada reer Sool ; isla markaana caddeeyey in aanu ka ahayn dhexdhexaad arrinta Laascaanood, “Aniga iyo isimada ka soo jeeda Sool,isku mid baanu ka nahay arinta laascaanood; maadama , aan ahay  Suldaanka Guud ee Beelaha Harti”. Ayuu yidhi, Suldaan Siciid.

Suldaanka-guud-ee-Warsangeli-Suldaan-Siciid-Suldaaan-Cabdisalaan-Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com