“Baabuurta Garaaddada Soo Dhawaynaysay Waxay Ahaayeen Baabuurtii Ciidanka Qaranka” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xaalada Magaalada LAASCAANOOD.

Hargeysa (Hayaannews )- Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani,ayaa shaaca ka qaaday in nabadgelyadda Magaalada Laascaanood ay gacanta ku hayaan Ciidanka Qaranka, isla markaana loo xilsaaray ilaalinta nabadgelyada shirka Garaadada magaalada ka qabsoomi doona.

Taliye Nuux oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood,kuna wehelinayeen Saraakiisha Kale Ciidamada ayaa Ka hadlay xaalada nabadgelyo ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 24 January, 2023, saraakiisha kala duwan shirka jaraa’id u qabteen inay bulshada u caddeeyaan in nabadgelyada guud ee magaalada Laascaanood gacanta ugu jirto Ciidamada Qaranka.

Taliye Nuux ayaa sheegay in gawaadhida tiknikada ee soo dhoweynayey Garaadada yimi magaalada Laascaanood ay dhammaantood ay ahaayeen gawaadhidii Ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi, “Dhammaan gawaadhida tiknikada ahaa ee Garaadada soo dhaweynayey waxay ahaayeen kuwa Ciidanka Qaranka,waxaana sidaa loogu sameeyey inaan gawaadhi ciidan cadow ah leeyahay aanay magaalada soo gelin, bulshaduna inay sidaa u ogaato ayaan doonaynaa” Ayuu yidhi Taliye Nuux.

Waxuu sheegay in shirweynaha dhaqanka ee gobolka Sool ka dhici doona ay nabadgelyadiisa sugi doonaan Ciidamada Qaranka ee Gobolka ku sugan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa dhaliilay dad uu sheegay inay hahdalo deelqaaf ah bulshada u sheegayaan, waxaanu yidhi, “Hadaladda deelqaafka ah ee meelaha laga sheegayo Ciidanka Qaranku dheg uma dhigi doono, waxaanay gudan doonana waajibaadka ay u xilsaarnaayeen ee ilaalinta nabadgelyada, hadday tahay dhinaca xuduudka iyo gudaha dalkaba.

Taliye Nuux oo la dardaarmayey bulshada magaalada Laascaanod ayaa sheegay in nabadgelyadu iyaga dan u tahay, una soo jeediyey inay nabada dhulkooda ilaashadaan, ciidamada magaalada ku jirana la shaqeeyaan,waxaanu yidhi, “Diinteena inna faraysa ilaalinta nabadgelyada, hadaanay nabad jirin, qofna nabad gurigiisa kuma seexan karo”

Waxuu sheegay inay ka tacsiyadeynayaan bulshada mudadii shaqaaqadu socotay dhimashadii dhacday iyo dadkii ku dhaawacmay, isagoo raaciyey in ciidamadu magaalada u soo galeen inay nabadgelyada bulshada ilaaliyaan,

Saraakiisha ku wehelinayey shirka jaraa’id Taliye Nuux ayaa kala ahaa,

  1. Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
  2. Sareeye Guuto Saleebaan Barre Geesod
  3. Sareeye Guuto Cali Barre Xasan
  4. Sareeye Guuto Cabdi Axmed Tiir
  5. G/Sare Axmed Maxamed Ismaaciil
  6. G/ Sare Jaamac Maxamed Ismaaciil
  7. G/Sare Jirde Kayse Muxumed
  8. G/Sare Xuseen Ducaale Dheeg
  9. G/dhexe Cabdirashiid Axmed Nuur
  10. G/ dhexe Cali Axmed Shire
  11. G/Dhexe Khadar Axmed Xasan
  12. G Maxamed Saleeban Caabi
  13. Gaashaanle Yuusuf Warsame Axmed