Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Markale Xayiraad Saaray Sarrifleyaal Nidaamka Sarrifka Lacagaha Ku Xad-gudbay

Hargeysa (Hayaannews): – Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Markale Xayiraad Saaray Sarrifleyaal Nidaamka Sarrifka Lacagaha Ku Xad-gudbay

Guddoomiyaha baanka dhexe Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa xayiray, 3 sarifle oo uu sheegay in ay ku hawlan-yihiin sidii ay u qiimo tiri-lahaayeen Shilinka Somaliland, waxaanu xusay in ay caadaysteen in ay kala dhantaalaan adeega sarifka ee ay bulshada siinayaan.

Sidoo kale waxa warkan lagu sheegay in qaarkood ay xidhayaan adeega isku sarifka lacagaha, halka qaarkoodna ay qiima dheeraysiiyaan qiimaha uu ujaray baanka dhexe, waxaanu guddoomiye Cali sheegay in ay baalmarsan tahay xeerarka Sarifka, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii danbe ee lagu helo arrintas,

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Cali Cabdillaahi Daahir, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Shabakada wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhigna sidan.

“Xayiraad Sarriflayaal, Baanka Somaliland waxaa uu halkan uga soo gudbinayaa xayiraad kama danbays ah sarriflayaasha hoos ku xusan kuwaas oo caadaystay in kala dhantaalaan adeeggooda sarrifka ee ay bulshadda siiyaan iyagga oo ka xidhaya gacanta danbe (Selling rate), qaar na ay sicirka Baanka Somaliland soo saaro wax dheeraysiiyaan taas oo baalmarsan xeerka sarrifka.

Si loojoogteeyo ilaalinta xasiloonida suuqyada isku-beddelka lacagaha iyo ascaarta badeecadaha waxa aan halkan kugu soo gudbinayna sarifalayaasha hoos ku xusan in aad ka hakisan adeegga sarifka ee mobile-ka dhexdiisa, kuwaas oo ku xadgudbay xeerka sarifka rasmiga ah ee baanka, isla markaana abuuraya xaalad khalkhal gelin karta sarifka saxda ah ee Baanka.

Haddaba waxa aanu idinka codsanayna in xayiradu saarnaato inta ay soo dhammeystirayaan shuruudaha baanka dhexe, una hoggaansamayaan heerka sarifka maalinlaha ah ee suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland.”