Beesha Caalamka Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Ka Qabsoomay Somaliland, Iyo Sida Ay Uga Xun Yihiin Hoos U Dhaca Metelaada Haweenka.

Xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland Waa Inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka

Hargeysa(Hayaannews): Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland, iyagoo sheegay in ay ka dhabeeyeen ballaan-qaadkii doorashooyinka, geeddi socodka ka qeybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Beesha Caalamka ee dhinacyada horumarka iyo dimuqraadiyadda ka taageera Somaliland oo ka kooban 13 Waddan, waxa ay shacbiga Somaliland, xukuumadda, xisbiyada siyaasadda iyo guddiga Doorashooyinka ku bogaadiyeen sida guusha leh ee ay ku qabsoomeen Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo qaabka looga shaqeeyey ammaankeeda

“Saaxiibada Caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka qaran iyo hay’adaha kale ee dowladda sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka iyo habsami u socodka doorashada” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

“Marka la eego Doorashooyinkan, waxa caddaatay inay shacabka reer Somaliland muujiyeen sida adag ee ay uga go’an tahay geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.”.Ayuu yidhi Yidhi Warsaxafadeedkaas oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ee Somaliland ay soo dhaweynayaan doorashada xubnaha beelaha la heybsooco ee loo doortay goleyaasha deeganka iyo wakiillada, laakiin ay ka xunyihiin hoos u dhaca matalaadda haweenka, iyagoo ku boorriyay maamulka iyo xisbiyada Somaliland inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Waxay tani cashar u noqonaysa dhammaan cidda ay khuseyso: “Waxaanu si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee Dadka laga tirada badan yahay kaga mid noqdeen Golaha Wakiillada iyo tirada badan ee murashaxiinta dhallinyarada ah ee la doortay.Waxaan aqoonsannahay guulaha la taaban karo ee ay gaadheen murashaxiintii haweenka ahaa intii lagu guda-jiray geedi-socodka doorashada, laakiin waxaanu aad uga xunnahay inaanay suurto-gal noqon inay doorashada ku soo baxaan dumar badan. Tani waxay cashar ay wax ka bartaan u noqonaysaa dhammaan dhinacyada ay qusayso, iyo in dowladda iyo xisbiyada siyaasaddu ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda ee doorashooyinka dambe,”

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheeegay in saaxiibada Somaliland ay ka go’antahay sii wadista wada-shaqeyn wax ku ool ah oo la xidhiidha xoojinta dimuqraadiyadda iyo taageerada doorashooyinka joogtada ah ee heerarka kala duwan ee wakhtigooda ku dhaca.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray; Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com