“Biyaha Hargeysa Qaydhiinka Lagu Qaybsan-Maayo……” Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Ahmed Daarood

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Ahmed Daarood-Hayaannews

“Biyaha Hargeysi meel macaash laga raadiyo ka wayn.”

Hargeysa(#Hayaannews): Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Ahmed Daarood ayaa sheegay biyaha Caasimada Hareysi inay ka weyn yihiin meel macaash laga raadiyo, isla markaana waxa uu fariin culus u direy shacabka Caasimadda Somaliland.

Maxamed Cali Daarood waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayannews waxaanu u dhig sidan:“Waxa maanta lagu guuleystay sii daynta mid ka mid ah mas’uuliyiinta Shirkadda Chinese-ka ah ee gacanta ku haysa mashruuca biya-galinta magaalada Hargeysa ee uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Germany, oo ku dhawaad muddo maalin ah si ka baxsan xoriyaddiisa iyo sharciga dalkaba loogu hayay xabsi guri, laguna hayay goob ka baxsan goobaha sharciga dalku ogolyahay in qofka lagu hayn karo iyadoo arrinkaa ay ka dambeeyeen kooxo ku midaysan dano dhaqaale, ujeeddadooduna tahay hagar daamaynta rajada biyaha Hargeysa.

Waxa aan u mahad naqayaa Ciidamada Police-ka Dalka iyo Taliye Maxamed Aaden Saqadhi Dabagale oo arrinkaa soo af-meeray.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa wax ay wakiil kaga tahay shacabka Hargeysa iyo Dawladda Somaliland iyo saaxiibada dhinaca horumarinta aan ka-wada shaqayno in mashaariicdan loo hirgaliyo si hufan oo keenta in mashaariicdu gaadhaan ujeeddadii laga lahaa.

Mashruucan oo hadda maraya meel gabagebo ah ma qaadin karo khalkhal galin, hakad kasta oo ku yimaadna waxa uu keeni doonaa dib u dhac aan la aqbali karin.

Waxa aan mar walba kasoo horjeednaa cid kasta oo caqabad ku ah midho-dhalka mashaariicdan biyaha ee muhiimka u ah nolosha bulshada reer Hargeysa. Biyaha Hargeysi meel macaash laga raadiyo ka wayn.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Ahmed Daarood-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com