Canada: Ergeyga Gaarka Ah Ee La Dagaallanka Islaam Naceynka Oo La kulantay Cadaadis Xooggan

Toronto(Hayaannews): Ergeyga Gaarka ah ee dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Canada uu u magacaabay la dagaallanka Islaam naceybka Amiira Algewabi, ayaa loo jeediyay inay is-casisho, kadib markii lagu eedeeyay inay kala qeybineyso dadka Canadian-ka ah.

Dadka Muslimiinta ah ee Canada oo ay Soomaalida ku jirto ayaa aad u soo dhaweeyay magacaabisteeda.