Dawlada Chine Oo Si Adag Uga Xanaaqday Weftiga Somaliland ee Booqashada Ku Jooga Taiwan

China(Hayaannews): Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibbada China Zhao Lijian, ayaa booqashada weftiga Somaliland ku joogo Taiwan, ku tilmaamay in ay dhaawacayso madaxbannaanida China, iyo dalal kale.
Warkan oo ay daabacday wakaalada wararka ee China News Service, oo ah ta labaad ee ugu weyn Wakaalada wararka ee ay leedahay dowlada China, marka laga yimaado Xinhua, ayaa lagu sheegay in Lijian uu safarka weftiga Somaliland kaga jawaabay war-saxaafadeed rasmi ah.

“Adduunka waxa ka jira kaliya hal China, Taiwan na waa qayb China ka mid ah oo aan laga jari karin, mabda’a ah hal China ayaa ah xeer la aqoonsan yahay, bulshada caalamkuna isku raacsantahay” ayuu yidhi Lijian.

Lijain, ayaa ku eedeeyey xisbiga haya talada Taiwan in uu shidayo dab, isagoo sheegay in DPP uu wax yeelaynayo madaxbannaanida China iyo waddamo kale oo aanu carabaabin lakiin loo fasiran karo in uu uga jeedo Soomaaliya.

“Xisbiga DPP kaliya uma socdaan in ay kala gooyaan China, dabka ayay sidookale babinayaan (hufginayaan)  waxay wax yeelaynayaan midnimada iyo wadajirka waddamo kale, marka danbena iyaga uun baa lugta iska toogan doona” ayuu yidhi Lijian.

Dowladaha China iyo Soomaaliya, ayaa ka gadoodsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, tan iyo markii uu bilaabmay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo marar kala duwan cambaareeyay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com