“Deegaanka Soomaalidu Uma Baahnin Saxaafad Xoogsata Ah, Oo Gudcurka Ku Sheegta Caddo..” Madaxweyne Mustafe-Cagjar

Jigjiga (Hayaannews) – Madaxweynaha dowladd-deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe- Cagjar), ayaa dhaliilay habka ay u shaqeeyaan suxufiyiinta ka hawl-gala deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Cagjar, ayaa Weriyeyaasha ku eedeeyay inay yihiin ‘Xoogsato’ hadba wax aan loo baahnayn ka shaqeeya, arrintaasina ay dawlad-deegaanka Soomaalida ku keeni karto fawdo aan loo baahnayn.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in qofka saxafiga ah looga baahan yahay inuu u hoggaansamo shuruucda u yaal goobta uu ka howlgalayo, isagoo xusay in saxafiga aan sharci wadan aan u degaanka ka howlgali karin “Magac suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaanka lama ogola”. ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saxaafaddu ay leedahay xuduud qabata, haddii xuduuddaas ay dhaaftana ay noqonayso Fowdo, isagoo yidhi “Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela kama jirto Adduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyad. Xorriyad ayna la socon masuuliyadna waxay noqonaysaa fowdo”.

Madaxweyne Mustafe-Cagjar ayaa xusay in dowlad degaanka Soomaalidu u baahan yahay Saxaafad xor ah, ee aan loo baahnayn mid xoogsato ah, oo kolba xaaladda lagu jiro mid caksigeed ah sheegta “Waxaynu u baahan nahay Saxaafad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo iyadoo gudcur dam ahna tidhaahda waa caddo; iyadoo cadde ahna tidhaahda waa gudcur 15 ah”. ayuu yidhi Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe-Cagjar.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe-Cagjar-Hayaannews

Hadalladan Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli madmadaw uu soo kala dhex galay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo Saxafiyiinta ka howlgala degaankaas.