“Dhalinyarada La Khalday Waxaan Ugu Baaqaya iney Isu Soo Dhiibaan Ciidanka Qaranka Somaliland” Gen. Cumar Cambaashe

Taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Cambaashe

Hargeysa(Hayaannews): Taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Cambaashe ayaa sheegay iney jebiyeen ciidankii soo weerarey saaka subaxnimadii fadhiisimada Ciidan Somaliland ee jiida hore dagaalka Laascaanood, kuwaas oo tilmaamey iney huwan ka kooban Maamulka Puntland, argagixiso iyo Maleeyshiyaad nabad diid ah.

Gen.Mahad oo soo saarey Warsaxaafadeed uu ku iftiiminayo khasaarihii ka dhashey dagaal saaka subaxnimadii ka dhacay aagaga bariga iyo galbeedka Magaalada Laascaanood waxa uu xusay iney dhirbaaxo xun ku dhufteen ciidankaas, Kana qabsadeen gaadiid dagaal oo ka kooban hal Zuu, labo Shilke, hal baroon, hal dhishiike iyo 23 Maxbuus.

Warsaxaafadeedka Gen. Cambaashe oo faahfaahsan oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxa uu dhignaa sidan;

“Saaka subaxnimadii ayay kooxaha huwanta ahi ee Puntland,Argagixisada  iyo maleeshiyada nabadiidka ah ay soo weerareen fadhiisimada CQSL ay ku leeyihiin Galbeedka iyo Bariga magaalada Laascaanood. CQSL waxay dhurbaaxo kulul ku dhufteen cadowgii ku soo duulay waxayna ka qabteen 5 gadiid dagaal ah oo ka kooban 1suu,2Sikaawe,1Boroon,1Dhashiike ah iyo 23 Maxbuus. CQSL waxay difaacayaan sharafta dadkooda reer Laascaanood oo cadow aanay iska garanayni horumarkooda iyo noloshooda u quudhi waayeen, sidoo kale CQSL waxay difaacayaan xuduudaha dalkooda iyo dadkooda. Anigoo ku hadlaya afka CQSL waxan dhalinyarada la khalday ugu baaqayaa inay Ciidankooda qaranka isu soo dhiibeen inta nin danlihi dhiigooda ku macaashi lahaa.

Taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Cambaashe

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com