Doonni Xoolo Nool Ka Qaadday Dekedda Berbera Oo Badweynta Ku Degtay + 11 Baxaari Oo Raq iyo Ruux La La’yahay

 

Dooni ka qaadey xoolo Dekeda Berbera oo ku Degtey badda Gacanka Cadmeed

Hargeysa(Hayaannews): Doonni nooca xamuulka ah oo ka qaadey Dekeda Berbera xoolo isugu jiray lo’ iyo Adhi ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ayaa ku dhegtey bad-weynta  gacanka cad-meed, iyada oo u sii jeeday Marsada Mokha ee dalka Yeman.

Doonnta qaraqantey badda (SK Marwan) ayaa la la yahay raq iyo ruux dadkii iyo xoolihii saarnaa 11qof oo ahaa shaqaalihii ka hawlgelayey  iyo xoolo tiradoodu dhameyd 1780 neef.

Maareeyaha Dekeda Berbera inj. Siciid Siciid Xasan Cabdullaahi oo faah-faahin ka bixiyey caawa khasaaraha doonnta degtay meel u dhow marinka baabul Mandab ayaa yidhi;

“Doon Somaliland ka qaaday xalay xoolo ayaa badda ku degtay, 11 qof oo doonta ka hawlgalayay ayaa iyagana la la yahay raq iyo Ruux Mareeyaha Hay’addaha Dekkadaha Jamhuuriyada Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi oo faahfahiyay doonida degtay iyo khasaaraha ka dhashay ayaa yidhi,

“Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab.

Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa.

Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com