Dr. Gaboose Oo Ku Dhawaaqey  Furitaanka Urur-Siyaasadeedka Cusub Ee BARWAAQO.

“Aniga Oo Tixgelinaya Dareenka Dadkaygu II Hayo Waxaan Khasab Igu Noqotey Inaan Ku Soo Laabta Masraxa Siyaasada” Dr. GABOOSE.

Hargeysa(Hayaannews): Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah siyaasi leh damac-siyaasadeed iyo han Madaxweyne Somaliland ayaa shaaca ka qaadey inuu furanayo urur-Siyaasadeed cusub oo magaciisa la yiraahda, BARWAAQO, kaas oo uu sheegay iney  si rasmi ah u daah-furi doonaan  dhawaan isaga iyo Aqoonyahano kale oo ay ku midoobeen.

Dr.Gaboose oo hore u sheegay inuu ka fadhiistey siyaasada ayaa maanta mar uu la hadleyay Warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland, ku dhawaaqey inuu furanayo urur Siyaasadeed ” Barwaaq”.

Dr. Mohamed Cabdi Gaboose oo faaah-faahin ka bixinaya urur siyaasadeedka waxa uu yiri; “Aniga (Dr. Gaboose) iyo aqoonyahan kale oo ka faa’ideysanaya fursadan,oo aanu in badan sugeynay waxaanu go’aansaney in aanu  urur siyaasadeed la magac baxay Barwaaqo,dhawaan ka daah furi doono gobolada dalka si gooni gooni ah.”

Dr. Mohamed Cabdi Gaboose waxa kale oo sharaxaad ka bixiyey  duruufta ku khasabtey xilligan inuu furto urur Siyaadeedka Barwaaqo iyo waxyaabaha bedelay mowqifkiisii hore maadama uu hore ugu dhawaaqey inuu ka fadhiistey siyaasada, waxaana uu yidhi:”inkasta oo aan hore uga dhawaaqey in aan ka fadhiisanayo Siyaasada, haddana, markii aan qiimeeyey Waayaha dadkayga iyo dalkaygu marayaan, iyo wacyiga bulshada soo korayo  tixgeliyayna dareenka dadkayga ii hayo, waxaa khasab igu noqotey in aan ku soo laabto.masraxa Siyaasada”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com