“Garaadadu Keliya Waxay Ka Fakereen Meel dhow iyo Faker Aan U Shaqeyn Karayn Oo Ah In Aaney ku Xisaabtamin Xaalada Ku Xeeran Gobolka”  Ex Wasiir Shuceyb

Laascanood Caasimad Gobalka Sool Xaalkeedu Wuxuu iila Muuqdaa?

Baryahan waxa Magaalada Laascaanood ka socda, Xaalado aan qurux badnayn muuqaal Ahaan, lkn Aan Sida Dadbadni u Arkayaan Aan Ahayn.

Magaalada waxa ku Soo qulqulaya,Rag Garaado Ah Oo Qaarkood,Garaacaya Durban Colaadeed,iyo Kicin Bulshada magaalada ah,oo aanay garanayn Dhib iyo Dheef midka Ay Helayaan,Waxa nimankaasi Ka muuqata In Aanay darsin Ama ku xisaabtamin,in Aanay Waxba u Goynayn,Durbaankan Ay Tumayaan.

Dhinaca kale,ma garanayaan gacanta Xoogan Ee riixaysa,In magaaladu Fawdo noqoto ay ka dhigtaan Gabbaad,qolyo meelo kale ku soo jabay.

Garaadadu kaliya Waxay ka fakareen,Meel Dhaw iyo Faker Aan U shaqayn Karayn ,oo ah In Aanay ku xisaabtamin  Xaalada ku xeeran Gobolka

Dawlada jamuhuriyada somalilandna in ay ka hortagto maryaha Buluuga Ah ,Waxay ka door bidday in Aanu ku dhiman Gacanta Dawlada Jsl muwaadin Reer Somaliland  Ahi ( reer Laascanod ah)

Hadeerna Dawladu ,Indho Qudhaanjo Ayay leedahay,

Wayna Lo socotaa Hawlaha magaalada ka socda

Waxay ka dhigan tahay Libaaxa,marka Ay ku Soo Ururaan Xayawaanka,loo Yaqaano Yayga ,

Libaaxu wuxuu Matalaa inuu seexday xataa Haday Dhagta Biyo Kaga Shubaan Uma Koco.

Waxa kale Oo ay jamhuuriyada somaliland uga dhigantahay,Cid kasta oo rabshad ka wada magaalada Laascanod,Jiir Godka Dushiisa Lagu Sugayo inta Uu Godka ka galayo.

Waxkaste oo jiirku guriga Ka cuno,waxa Soo Af Meera Marka Uu godkaasi Galo jiirku,Arinkiisu noqdaa,by by

Dhinaca kale Abwaan maxamed xaashi Dhamac

( Gaarriye) wuxuu yidhi :-

Ninka Doorkan Maanta Ah U dooyaystay Madaxnimo

Uba Diidi Maynnee Horta Mee Dalkii Iyo Dadkii Uu Xukumi Lahaa.

Waxa kale oo Aan Hambalyaynayaa Hadlkii Maanta Ee Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Sareeyr Gaas Nuux Ismacil Taani kaasi oo wax badan,Bulshada u iftiimiyay.

Gabogabdii waxa kale oo Aan meesha Ka maqnayn

In Beelihii,Ilaahay dajiayay,Ku Abuuray Magaalada Laascanod ee Horumarku U Socday,kuwaasi oo Lahaa Ganacsiga ,Jaamicadaha ,schoolada, Lagu Soo Duulay,oo Ay,ku Soo duuleen Beelo,u Sheeganaya Inay La haybyihiin,Kuwaasi Oo kaga Ciyaaraya,

Noqolosha,iyo horumarka, wanaagsan Ee ay mudada Dheer Dhisanayeen.

Muhiimadu waxay tahay ma garan doonaan Ama  Fahmi Doonaan,Qolyahaasi Ku Soo Duulay Nabadooda,iyo horumarkooda.

Waxa Suuro gal Ah,In Maalmaha Soo socda Arintaasi Laysla fahmi Doono Oo ay dadkaasi isku caqli celin doonaan”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com