Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Heshiis iskaashi Oo U Dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho(Hayaannews):Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiis iskaashi oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiiskan garsoorka ee ay gaareen labada dal uu ka kooban yahay afar qeyb, islamarkaana uu diiradda saarayo dhinacyada kala ah; iskaashi, gargaaris sharciyeed, dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo wareejin shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Faah-faahin intaas dheer lagama bixin heshiiska. Golaha Wasiiradsa ayaa sidoo kale ansixiyey heshiiska iskaashi oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan, kaasi oo aan isna la faah-faahin.

Heshiiska Turkiga ayaa noqonaya mid kale oo ka mid ah heshiisyo dhowr ah oo sanadihii iyo bilihii dhowaa ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada dal ayaa 8-dii bishii Febraayo Ankara ku kala saxiixday “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” kaasi oo ay kadib ansixiyeen labada aqal ee sharci-dejinta Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilligaas sheegay in heshiiska difaaca uu meesha ka saarayo wixii cabsi ah ee dhinaca argagixisada, burcad badeedda, kalluumaysiga sharcidarrada, ku shubista sunta iyo xadgudubyada iyo halista dibedda ah ee ku iman lahaaa badda Soomaaliya.

Waxa uu yimid xilli xiisad ay u dhaxaysay dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, taasi oo ka soo billaabatay is-afgaradkii ay bishii Janaayo wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland