Guddoomiye Xirsi Oo Ku Sifeeyey Khudbad-Sanadeedkii Madaxweyne Biixi Shimbirayoow HEESA.

“Waxay ahayd khudbad aan nuxur lahayn oo ah Shimbirayoow Heesa….” Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Hargeisa(#Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa naqdiyey khudbad-sannadeedkii uu Madaxweyne Biixi U jeediyey labada Golle Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, isaga oo ku tilmaamay inay ahayd bilaa nuxur ah shimbirayoow Heesa.

Sidaa waxa uu ku sheegay Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xassan qoraal uu maanta soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaanay u dhignayd sidan:

“Khudbadda Madaxweynaha ee muddo-dhaaftay: Haddii warbixinta ay xambaarsan tahay aanay xaqiiqada ku qotomin ama tahay mid aan la hubsan oo aan sax ahayn. Tusaale ahaan, waddada Oodweyne oo uu sheegay in wax yari ka hadhsan yihiin, xaalka macaiishadda ama sicirbararka ka jira dalka iwm, iyada oo sannadkii tegay aanay khudbaddu wax badan ka warramin ee ay dhacdooyinkii sannadkan uun sheegtay.

Haddii aanay wadan qorshe Qaran oo sheegaya qorshaha xukuumadda ee sannadka amase sannadkiiba kala badhanyahay iyada oo weliba Madaxweynaha wakhtigiisii gabaabsi yahay oo lix bilood u hadhay.

Haddii aanay khudbadda Madaxweynuhu ka jawaabayn dhibaatada taagan iyo duruufaha adag ee bulshada haysta oo aanay xal soo bandhigayn.

Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi dhammaaday aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho. Dee waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo “Shimbirayahow heesa”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com