Gudoomiye Xinif Oo Shaqadii Ka Eryey Inan Warsangeli ah iyo Falal Fool xun Oo Ay Ka Dhawaajisay.

“Ma caan baan ahay mise siyaasiyad baan ahay waxaan ka mid ahay shaqaalaha dawlada ay UN Fan garayso 2015 ila 2023 Magaceygu waa faadumo qaybta Carabiga ayaan turjumaan u ahaa maadaama aan Carabta ka imi kuna dhashay.

Somaliland hal maalin danbi kama gelin hal nin baan naftayda iyo Cirdigayga uga taag waayay ilaa 2018 aniga oo shaqadayda gudanaya buu hal maalin intuu istaagay shaqaalaha igu hor caayay aniga oo ka hadlaya tacdiyada dumarka loo gaysto isna waa markii lamagacaabay kadib waan aamusay oo faraha uga qaaday wax walba oo aan ku kordhiyo xafiiska waa ninka la yidhaahdo xinnif oo 2 wiil oo uu dhalay midna adeer u yahay buu keensaday iyo kuwa kaleba intuu aniga sawiradayda qaatay buu maamulkayga ku yidhi naagtu shaadh iyo surwaal bay xidhataa oo lagu yidhi waa privacy ay iyadu leedahay kuwa oo adeerka u yahay ee tinta qaawan duruucda khafiifka ah xidhan ma arko wuuna iga been abuurtay oo shaqaaalihi igu diray si lay dilo wuxu ku yidhi naagtu SNM bay cayday xitaa qof caanimo lagu xanto ma ihi waalidkay buu soo faray oo yidhi facebook bay ka caadifadaysnayd intuu sawiradayda aruursaday.

Laakiin ka hadhi maayo haayada qaramada midoobay UNHCR aniga mushaharka isiin jirtay baa isagana waxa oo ii dabo jooga waa dulmi iyo qabyaalad waayo waxan kasoo jeeday gobolada Sanaag siiba Ceerigaabo oo warsangali baan ahay … been oo walidkay u sheegay si uu u aamusiyo waan soo bandhigi doonaa aniga oo wadanka fasax kaga maqan 1 bil buu iga faaidaystay markaan is idhi soo noqona naagta waan dili buu yidhi, kuwa uu adeerka u yahay qaar soo dhala iyo qaar xanuunsadaba fasax 1 sano inta uu siiyo buu waliba xaqooda u diraa.

Laakin ka aamusi maayo laascaanood iyo hargeysaba aniga leh sumcad dil buu is yidhi laakin isaga isu gaystay danbi marka oo inan yar oo dhali karo oo aflagaadeeyay oo waliba oo ku meeraystay Allah og daalimka u ooyi maayo.

Laakin hantidayda iyo kursigayga dhici maayo xoogna iguma leh UN wada hadal baa noo socda oo wuu jartay hadana haayada shaqaalaha lacagtii dawalada aan ka qaadan jiray buu rabaa inuu jarto sidii dhoocil yar buu ila xintamayaa laakin waan is difaacayaa dhibta oo ii gaysanayo somaliland intaas oo sano ayaan joogay indhahaa ku kala qaaday.

Muuse aniga difaaci jiray cidna hargeysa iguma qabyaaladen karto igagamana adkaan hanjabaad iyo dil oo xinif iigu hanjbayo”

Wariye Axmeddahir