#HARGEISA: Maayor Mooge Oo Ka Hadlay Shaqaalihii Ugu Badnaa Ee La Eryey Intii Dawlada Hoose Ay Jirtay

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge

“Intii Aanu Nimid Dawladda HOOSE Waxa Shaqadooda Waayay Shaqaalihii Ugu Faraha Badnaa Ee Dawladda HOOSE Intii Ay jirtay Laga Eryay” Maayor MOOGE

Hargeysa(Hayaannews) Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawlagalayay xafiisyada dawlada hoose ee Hargeysa ay shaqadooda ku waayeen arrimo la xidhiidha musuq-maasuq iyo laaluush.

Cabdikariim Axmed Mooge Duqa magaalada Hargeysa, waxa uu bulshada reer Hargeysa kula dardaarmay in aanay laalush bixin.

Waxaanu yidhi.“Waxa soo baxay oo soo noqnoqonaya inay jiraan dad shufto ah tuug ah, oo bulshadana ku baadhayana magaca madaxda dawladda hoose, iyo magacyada kale ee dawladda hoose, oo ku leh waxaad bixisaan lacag diwaangelin ah si dhul la idiinsiiyo.

Sidoo kale waxa jira kooxo kale oo iyaguna dad masaakiin ah lacag kaga urursanaya iyaga oo leh keena lacag waxa aanu idiinka soo dhammeynayna guddida fulinta go’aamo aad dhul ku heshaan, arrimahaas oo aanu ku daba jirnay waxa u xidhan dad.

Muwaadin si arrintaasi u soo afgodo maanta anaga oo nool ayaanu ku sheegayna, ogaysiiskan, ha bixin lacag, ha bixin lacag laalush ah, ha bixin lacag lagugu yidhi madax ayaa loo gaynaya si muraadkaaga laguugu qumiyo, sababto ah anagu waxa aanu nahay kuwii balanqaaday inay soo afjaraan maalmahaas,”

Sidoo kale duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay tan iyo markii ay qabteen xilka dawladda hoose in ay eryeen shaqaalihii ugu tirade badna ee wax isdabamarin jiray, isla markaana ku kacay arrimo musuq maasuq.

Waxaanu yidhi. “Intii aanu nimid dawladda hoose waxa shaqadooda waayay shaqaalihii faraha badnaa, ee dawladda hoose intii ay jirtay laga eryay shaqada iyada oo looga eryayo iyaga oo wax-is-dabamariyay, ama laaluush ay qaateen, arrintaasi oo meel adag golaha degaanka ee caasimada Hargeysa ay ka tagan yihiin,”

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com