HARGEYSA: Kal-fadhiga 7aad Ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa  iyo Qoddobada Ajandaha Hor yaal.

Hargeysa(Hayaannews): Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Maxamed Mooge ayaa maanta si rasmi u furey kalfadhiga 7aad ee golaha degaanka Hargeysa.

Kaldhiga 7aad oo 14 Mudane uga furmay hoolka shirarka Dowladda hoose ee Hargeysa,  ayaa mudada uu socdo goluhu kaga doodi doonaan qodobo dhowr ah, iyada oo sidoo kalena Mudanayaasha lagaga dhegaysan doono Warbixino la xidhiidha shaqooyinkooda.

Waxaana Qodobada Ajandaha kalfadhiga 7aad ee golaha degaanka Hargeysa ka mid ah,

“Kalfadhigii 7aad Ayaa Saaka Si Rasmiya Uga Furmay Hoolka Shirarka Dawladda Hoose Ee Hargaysa, Waxaana Saaka Goobjoog Ahaa Isla Markaana Ka Soo Qayb Galay Kalfadhiga 14 Mudane.

Muddada uu Socdo Kal-fadhigani waxay mudanayaasha Golaha Deegaanku Ka Doodi Doonaan Isla Markaana War-bixinahooda La Dhagaysan Doona Qodobo Ay Ka Mid Yihiin:-

1.Warbixinta Waxqabadka Dawladda Hoose Ee Hargaysa Ee Sanadkii Tagay Ee 2022.

2.Xaaladda Laascaanood.

3.Warbixinta Heshiiska Maamul Daadajinta Waxbarasada Dugsiyada Hoose Dhexe.

4.Warbixinta Qorshe Sixidda Caasimaadda Hargaysa (Master Palan).

  1. Xeer Hoosaadka Parkin-Ka Gawaadhida Gudaha Caasimadda Hargaysa.
  2. Habraaca Bixinta Aqoonsiyada Iyo Cadaymaha Dhalashooyinka.
  3. Kabka la siin doono dhammaan Deegaanadii soo raacay xadka cusub ee ay yeelatay caasimaddu afarta jihaba.

8: Hab-Raaca lagu maamulay dhulka Buuraha ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com