Hay’ada NISA Oo Shaacisay Dilka 40 Ka Tirsan Maleeshiyada Al-shabaab

Muqdisho(HayaannewS): Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal ay si wada-jir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen xubno ajnabi ah.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta dowladda Fedeaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgalkan uu ka dhacay deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

NISA ayaa intaas ku dartay in hawlgalkan la fuliyay Talaadadii shalay, waxaana bayaanka dowladduu intaas ku daray in 10 ka mid ah xubna la dilay ay ahaayeen ajnabi.