“Hogaamiye iyo Ciidan Al SHABAAB ah oo ka Dagaalamaya Gudasha Laascaanood” :- Inside Africa

Hogaamiye Argagixiso ah cabdi Madoobe

Hogaamiye Argagixiso ah iyo ciidan uu wato oo ka soo dhex muuqday dagaalka Laascaanood

Laascaanod (Hayaannews)- Hogaamiye ka tirsan kooxda argagxisada ah ee Al shabaab iyo ciidan uu hogaaminayo ayaa shalay ka soo dhex muuqday dagaalka ka socda gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo ah nin si weyn caalamku u badi-goobayo, waxaanu hadda qayb ka yahay kooxaha is bahaystay ee dagaalka kula jira ciidanka
Qaranka Jamhuuriyadda Somailand.

Sida lagu faafiyey shabakada Inside Africa oo wax ka qorta arrimaha sirdoonka ayaa shalay lagu sheegay in ninka lagu magacaabo Cabdi Xuseen (Cabdi Madoobe) oo ah hoggaamiye ka tirsan ururka argagixisada ah ee Al-shaab,uu yahay shakhsiga ka dambeeyey agagixisadii soo maleegayey inta badan dilalka qorsheysan ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

Warbaahinta caalamiga ah ee Inside Africa ayaa shaacisay in Cabdi Madoobe oo ah hoggaamiye ka tirsan ururka Alshabaab uu yahay shakhsiga ka dambeeyay dilalkii qorsheysanaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dilalkaas oo looga dan lahaa in la iska hor keeno bulshada Laascaanood iyo Xukuumadda Somaliland.Cabdi Xuseen (Axmed Madoobe) ayaa la xaqiijiyay in uu hogaaminayo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalamaysa gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ciidamada qaranka Somaliland dagaal kula jiraan ciidamo ka tirsan argagixisada.

Inkasta oo aanay tafaasiil dheeraad ah aanay shabakada Inside Africa ka baahin tirada ciidanka uu hogaaminayo iyo xilliga uu yimi hogaamiyahan kooxda Al-shabaab magaalada Laascaanood ayaa dhinaca kale la helay muuqaal uu taagan yahay badhtamaha magaalada Laascaanod.

Warka Inside Africa ayaa xoojinaya dhawaaqii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi iyo xukuumada Somaliland marar kala duwan ku shaacisay in argagaxisada caalamiga ah ee Al-shabaab ka dambeeyaan dagaalada ka socda magaalada Laascaanod.

Hoggaamiyahan ka tirsan ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab Cabdi Xuseen (Axmed Madoobe) ayaa shalay ka soo muuqday gudaha magaalada Laascaanood, kadib muuqaal uu iskaga dhex-dhuubay badhtamaha Magaalada Laascaanood, muuqaalkaasi oo xambaarsanaa hanjabaadaha iyo khudbadaha lagu yaqaano ururka Al-shabaab.

Hogaamiye Argagixiso ah cabdi Madoobe

Hadalka Cabdi Xuseen (Axmed Madoobe) ayaa laga dheehanayay hanjaabaado iyo hadalo la xidhiidha gaalaysiinta madaxda iyo masuulyiinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaasi oo ah waxa kaliiya ee ay caankaku tahay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.