Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland WADDANI iyo UCID iyo Safiir ku xigeenka Mareykan Oo ka Wada Hadlay Xal u Helida Xaalada Colaadeed Ee Laascaanood

Hargeysa(Hayaannews): Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani iyo Ucid ayaa maanta la yeeshay kulmo gaar gaar ah oo is-xog- wareysiya safiir ku xigeenka Mareykanka  Amb.Tim Trenkle oo ku yimi  safar shaqo magaalada Hargeysa ee caasumada Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Xaji Cali iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi markii uu soo idlaadey ka dib la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay kala  hadleen Weftiga Safiirka Mareykanka, iyaga oo  sheegay inay si qoto dheer uga wada hadleen xaalada guud ee dalka Somaliland, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda colaadeed ee ka jirta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,  geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo Doorashada iyo xooginta xidhiidhka labada dal Somaliland iyo Mareykanka.

Labada Gudoomiye waxaa ku weheliyey kulamadaas qaar ka mid ah Masuuliyiinta  Xisbiyada WADDANI iyo UCID

Xisbiga Mcaaridka ah ee WADDANI aynu ku horeyno kulankaasi uu la yeeshay “Waxa aan maanta kulan la qaadannay Safiir kuxigeenka dalka Maraykanka Danjire Tim Trenkle iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Safiirka iyo wafdigiisa waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay xal u helidda xaaladda colaadeed ay ku jirto caasimadda Gobolka Sool ee Laasacaanood, sida oo kale waxa aan isla lafa-gurnay arrimaha dimuqraadiyadda iyo doorashada Madaxtooyada.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan la qaatay, safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Somaliland.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta Laaacanood, Doorashooyinka, iyo arrimo kale oo ku tacalluqa xidhiidhka labada Dal.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Ururada siyaasada Somaliland oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Safiir ku xigeenka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Hargeysa

Arrinta ugu muhiimsan ee dhinacyadu ka wada hadleen  waxay ahay xal u helida xaalada Colaadeed ee Magaalada Laascaanood.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com