Isimada Dhaqanka Koonfurta Somalia Oo Tegay Jiidaha Dagaalka Ee Magaalada LAASCAANOOD.

Laascaanood(Hayaannews): Isimada Dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa tagey jiidaha dagaalka ee gobalka Sool, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada deegaanka & kuwa Somaliland, si ay indhahooda ugu arkaan masaafada labada dhinac isku jiraan, una arkaan xaqiiqada taala goobtan.

Isimada dhaqanka oo ay wehliyaan Isimadda SSC ayaa tagaya gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka.

Isimadda dhaqanka ee Koonfurta Somalia oo ku gudo jira hawshooda nabad raadinta ayaa sida qorsheysan berri u gudbi doona  Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kulamo kula yeelan doonaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxdhaqameedka Hargeysa.