Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaaan-SOLTECO Oo Mar kale U Tartamaya Golaha Deegaanka Caasimadda

Hargeysa (Hayaannews)- Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO), ayaa shaaciyay in mar kale u tartamayo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey Shaacinta oo ka dhacay xarunta Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qeybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE, Madax, Haween, Madax-dhaqameed iyo marti Sharaf kale oo tiro baddan.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay go’aansadeen in Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) uu u Tartami doono Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa iyo Murashax Cali Xawaadle Madar oo u tartami doona Golaha Wakiiladda Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO