“Madaxweyne Muuse Waxaan Ka Codsanayaa Inuu Xilka Ka Dago Si Loo Badbaadiyo Somaliland.” Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.  

“Dalku wuxuu qarka u saaran yahay burbur iyo inuu noqdo xudunta xagjiriinta.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu xilka Madaxweynanimo ka dego si loo bad-baadiyo Somaliland

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray, kaas oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews,

Gudoomiye Faysal Cali waraabe ayaa Madaxwayne Biixi ugu baaqay in uu is Casilo. “Waxaan aad uga xumahay dagaalka macno darada ah ee ka socda Laascaanood. Dhibaatada Laascaanood waxay ka mid tahay dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira ee ay abuureen Muuse. Dalku wuxuu qarka u saaran yahay burbur iyo inuu noqdo xudunta xagjiriinta. Madaxweyne Muuse waxaan ka codsanayaa in uu xilka ka dago si loo badbaadiyo Somaliland.”