“Marnaba Maxkamada Cadaalad Kamaan Filayn Intay Dacwadaydu Socotay…”Samofale Cabdimaalik COLDOON.

Hargeysa (Hayaannews) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 22.12.2022 la sii daayay, kadib markii uu dhammaaday muddadii labada sannadood ahayd ee lagu xukumay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga weyn ee Hargeysa ku jiray tan iyo sannadkii 2021-kii, ayaa ugu danbayn maanta la sii daayay, kadib markii uu dhamaystay xukunkiisu.

Coldoon oo sii deyntiisa kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lagu qoonsaday kadib markii uu ku baaqay in wanaaga la is faro xumaantana layska reebo.

Waxa uu sheegay in aan loo xidhin hadaladii uu ka sheegay dugsiga Abaarso darteed laakiin sida uu ku andacooday loogu soo gabaday qadiyadiisa oo looga dhigay in ay iskuul is haystaan.

Sidoo kale, Coldoon, ayaa sheegay in lagu eedeeyay in uu ceebeeyay oo uu warar been abuura ka faafiyay dugsiga Abaarso, isagoo sheegay in waalidka ardayda dugsiga Abaarso, ay eedo u soo jeediyeen isaguna uu aayadaha Qur’aanka iyo caddaymo kale isku difaacay.

Samofalle COLDOON ayaa ka dareen celiyey Xadhigiisa,waxaanu yidhi ” Xabsigii waan ka soo baxay.Mahad oo dhan Allaah baa is ka leh iyo inta iga mudan dhamaantood.
Waxa aan ku dardaarmayaa in xaqa la sheego si kasta ha u qadhaadhaado e.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com