Maxaa Ka Soo Baxay Wadahadalladii Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood.