Munaasibad La Isku Arkay Oo Lagu Daah-furey Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Somaliland 


Hargaysa(Hayaannews): Munaasibad lagu daah-furey diwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ayaa maanta agu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO), Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Kuxigeena 2aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Cuqaal, Ururada madaxa banaan, daneeyayaasha doorashada Somaliland, Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Marti sharaf kale.  

Cabdirashiid Riyo-raac guddoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay waxanu sheegay in diiwaan gelinta xilligeedii la bilaabi doono, Waxaanu xusay in Diiwaangelintan ay ka faa’iidaysan doonaan dadkii aan hore u qaadan Kaadhka Codbixinta.

Waxa uu Gudoomiyaha Guddida doorashooyinku intaas ku daray inay Jadwal Mudaysan u sameeyeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta 29 Bishan.

Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa guddida doorashooyinka ku bogaadiyay furitaanka diwaan gelinta codbixiyeyaasha oo muhiimad balaadhan u leh Shacabka Somaliland Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku ku booriyey Guud ahaan Shacabka Somaliland inay qaataan Kaadhka Codbixinta si ay ugu codeeyaan Doorashooyinka inagu soo Foolka leh. 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiyayaasha labada Xisbiga Mucaarid WADDANI iyo UCID  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KUMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub iyo Marti Sharaf kale oo dhamaantood si isku mida u soo dhaweeyey daah-furka diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay Komiishanka doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen.

Shaxda Sida ay diwaan-gelinta codbixiyayashu uga bilaabmeyso Gobolada iyo degmooyinka Somaliland:

Phase One, Awdal Region, Gabiley District, , Baligubadle and  Salahley districts  29th November to 02 December,

Phase 2, Hargeisa District and Sahil Region December 13th to 16th, 2020.

Phase 3, Togdheer Region, Aynaba District, Gar-Adag District and Ceel Af-weyn District, 27 December to 30 December.

Phase 4, Erigavo ,Badhan, Dhahar District, Lasqoray District, Las Anod , Hudun and Taleh Districts 10 January to 13 January, 202.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland