Nuxurka Baaq Culus Oo Beesha Caalamku Ka Soo Saaray Colaadda Laascaanood iyo Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi-HAYAANNEWS

Beesha Caalamka oo sheegay in Madaxweynaha Somaliland ka diiday inuu ciidammada ka qaado hareeraha Laascaanood

HARGEYSA-(Hayaannews): Saxiibbadda Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka, ayaa wada-hadal khadka telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana baaq culus ka soo saaray colaadda Laascaanood iyo qabsoomidda doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub maanta, ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo saamaynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay la soo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

“Saaxiibaddu waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

“Saaxiibadda ayaa walaac xooggan ka muujiyey rabshadaha iyo iska horimaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira toddobaadkii tobnaad. Saxiibadda ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay udub-dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidammadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibadda caalamku ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaadhsiinta caawimaada dadka baahan.

Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan ahayn Somaliland.

“Dhinacyada ugu waaweyn ee dirirtu ay ka dhexeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballanqaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aanay fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibadda waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Waxay saxiibadda caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.

“Saaxiibadda waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yidhi baaqa Beesha Caalamka.

Saaxiibadda caalamka ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aaddan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.

“Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo oo aan la xanibin la gaadhsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Ugu dambayn, saaxiibbada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aannu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidammada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, saaxiibbadda caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar degdeg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

“Waxaannu ku casuunnay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo waqtiga doorashadu dhacayso, si loo oggolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu xusay bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi-HAYAANNEWS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com