Nuxurka U-jeeddada Wefti Ka Socda Dalka Ethiopia Oo Socdaal Ku Tagay Gobolka Tigrey-ga

Saraakiil ka socota dalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay muddo laba sano ah booqasho ku tagay caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle si ay qayb uga noqdaan korjoogtaynta hirgelinta heshiiska nabadda ee la gaaray bishii hore.

Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagesse Chaffo Dullo ayaa tagay magaalada Mekelle, waana wafdigii ugu horreeyey ee ka socda dawladda federaalka ee gobolkaas booqda tan iyo intii uu dagaalku qarxay bishii November 2020-kii.

Wafdiga oo warbaahinta dawladdu sheegtay inay ku jiraan xubno ka mid ah Guddiga Wadahadallada Qaran ee Itoobiya ayaa Tigray u tagay hirgelintii heshiiska ay dhexdhaxaadinta ka galeen Midowga Afrika.

Heshiiskaas waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen xabbad joojin iyo in ciidamada ajaanibta ah ay ka baxaan gobolkaas, in ciidamada TPLF hubka ay dhigaan, islamarkaana in furo marinnada gargaarka, adeegyadana lasoo celiyo.

Booqashadan ayaa loo arkaa inay calaamad u tahay in heshiiskii shaqaynayo ka sokow eedo ka imanaysa TPLF iyo warar sheegaya inay sii socdaan dilka, bililiqada iyo kufsiga ay gaysanayaan maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada Eritrea.

Eritrea iyo maleeshiyaadka gobollada ayaan qayb ka ahayn heshiiska.

Eritrea iyo Itoobiya labaduba waa ay beeniyeen in xukuumadda Asmara ay door ku leedahay xaaladda Tigray inkastoo sannadkii hore ay Eritrea qiratay joogitaanka ciidankeeda, ayna sheegtay inay ka baxayso.

Dhexdhexaadiyayaal ka socda Kenya iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan Mekelle toddobaadkan, TPLF-na waxay Khamiistii oggolaatay inay qayb ka noqoto kooxda korjoogtada.

Itoobiya waxay si tartiib ah u qaadday xayiraaddii saarnayd cuntada iyo gargaarka daawada ee tagaya Tigray, sidoo kale waxay soo celisay isgaarsiintii.

Colaadda labada sano ah waxaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen boqollaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Hase yeeshee way adag tahay in xogta la xaqiijiyo, dawladda Itoobiyana waxay suxufiyinta ka hor istaagtay inay gobolka galaan.