Puntland Oo Ku Dhawaaqday Xabbad-joojin ka Hirgasha Magaalada Boosaaso

Boosaaso(Hayaannews): Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso oo tan iyo shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwa gaarka ah ee PSF.

Dagaalladan ayey ku dhinteen in ka badan 14 qof, iyo tobannaan kale oo ku dhaawacantay, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood.

Xabbad joojinta waxaa ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, taliska PSF oo soo saaray war qoraal ah ayaa shegay inay iska difaaceen weerar lagu soo qaaday, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada bulshada soo gaartay.

Dagaalka ayaa dhacay kadib muran socday muddo tododbaadyo ah oo u dhexeeyey maamulka iyo taliska PSF.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano oo isagu ka soo horjeestay tallaabadaasi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com