“Shan Dowladood Oo Reero Sameysteen Ayaa Soomaaliya Ka Dhigtey Qaran Fashilmey” Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay fashilantay, isla markaana guri kasta ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Guddomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sidan ka sheegay xilli uu ku sugnaa Taliska ciidanka Qaranka ee degmada Oog, halkaasi oo uu ciidanka ku guddoonsiiyay Kaalmo dawo ah, waxaannu soo indha indheeyay xaalada ciidammada isaga oo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada oo i dawadaasi ka guddoomey.

Sidoo kale waxa uu xusay in shan dowladood oo  reero ah  ay sameysteen Soomaaliya taasina ay ka dhigtay qaran fashilmay.

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Somaliland mustaqbalka u  gar qaadi doonto Soomaaliya, balse aanay dalalka jaarka iyo caalamku midna garanayn furdaaminta qaska.

Dhinaca kale guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in uu bilaabmay wanaaga iyo horumarka Somaliland, aqoonsigiinna lagu guulaysan doono.

Waxa kaloo uu intaas ku daray  in Somaliland ay mustaqbalka gaadhi doonto horumar ballaadhan oo sababi kara in loo soo haajiro.

Gaba-gabadii Guddoomiye Faysal waxa uu ciidanka Qaranka ku booriyay inay sii laban laabaan dedaalka difaaca ay ugu jiraan dalka JSL, waxaanu caddeeyay in Somaliland xuduudaheeda ku gaadhi doonto heshiis iyo awood ciidan mid uun.