SOMALILAND: 400 Oo Dhalinyarro ah Oo La Baray Dastuurka iyo WADDANI-yada.

Hargeysa (Hayaannews): Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa shahaadooyin guddoonsiisay 400 oo dhalinyarro ah oo dhammeystay barashadda Dastuurka, Waddaniyadda, iyo shuruucda kale ee dalka.

Ardaydaasi ayaa noqonaya dufcadii labaad ee hormadeedii koowaad oo dhamaystay barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda ee lagu bixiyo xarunta tababaradda dastuurka, iyo waddaniyadda oo ay hirgelisay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka JSL.

Munaasibad loo qabtay dhalinyaradaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirkawasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha komishanta Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre, agaasime waaxeedyadda wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, masuuliyiin, iyo ardayda waxbarashadda dhamaystay.

Dufcadani shahaadooyinka la guddoonsiiyay waxay ka koobnaayeen 400 oo dhalinyaro ah. Kuwaasoo isugu jiray 230 Gabdhood, iyo 170 Wiil, taasoo muujinaysa in ay guul gaara u tahay Haweenku in ay ku soo dhiiradeen barashadda shuruucda dalka.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xukuumadan uu hogaamiyo madaxweynaheena Muuse Biixi Cabdi, waxyaabihii lagu doortay ay ka mid ahayd balan qaadkeedii ahaa saraynta sharciga.

Waxaanu sheegay wasiirku in wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurku iyadoo fulinaysa balan- qaadkaasi in ay ku talaabsatay in bulshadda reer Somaliland ay gaadhsiiso dastuurka qaranka, iyo shuruucda, iyo waddaniyadda, uu dalkeenu leeyahay.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadeenan uu hogaamiyo madaxweynaheena Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagu doortay oo ay ku timid, balan qaadkeedii ahaa saraynta sharciga. Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurku, iyadoo fulinaysa balan-qaadkaasi waxay bulshadda reer Somaliland ee kala duwan in ay gaadhsiiso dastuurka qaranka, iyo shuruucda, iyo waddaniyadda, uu dalkeenu leeyahay”.

Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa sheegtay in ardaydani mudadii ay wax baranayeen in ay nasiib u heleen in ay duruusta bareen gar-yaqaanadda gaarka ah ee wasaaradda la shaqeeya, oo khubarro ah.

Deeqa Cabdi Yuusuf, oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Dufcadani waxay ka kooban yihiin 400 oo dhalinyaro ah. Kuwaasoo isugu jiray 230 Gabdhood, iyo 170 Wiil. Taasina ay guul gaar ah u tahay Haweenku in ay ku soo dhiiraday.

Mudadii ay ardaydu halkan ku sugnaayeen waxay nasiib u heleen gar-yaqaanadda gaarka ah ee wasaaradda la shaqeeya, oo khubarro ah in ay amcalimiin u noqdeen. Saacadihii duruustii la siinayay na waxaa laga haqab-tiray casharadii ay wasaaradu u diyaarisay in ay bartaan”.

Xafladaasi ayaa 400 ee arday ee dhamaystay barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda, ayaa shahaadooyinkoodii la gudoonsiiyay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com