SOMALILAND: Beesha ARAB-WEYNE Oo Kala Dirtay Guddi Ku Fashilantay Shaqadii Loo igmaday Inay Bulshada U Qabtaan

Hargeysa(Hayaannews): Beesha ARAB-WEYNE Oo Kala Dirtay Guddi AFGARAD oo ku fashilantay shaqadii loo igmaday Inay Bulshada u qabtaan, kadib markii ay shir maanta isugu yimaadeen Saldanada BEEL-WEYNTA ARAB Sheekh ISAXAAQ.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxafadeed ay si wada-jira u soo saareen Guddida AFGARAD ee BEEL-WEYNTA ARAB Sheekh ISAXAAQ oo caawa nuqul ka mida ay Heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

U-JEEDDO:  GO’AAN KALA DIRID GUDDIDA AFGARAD 3.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 01/10/2022 ahna maalin Sabbi ah,waxa shir isugu yimi Saldanada Beesha Arabweyne ee Magacyadoodu iyo Saxeexoodu hoos ku xusan yihiin.

lyagoo tix-gelinaya wada-jirka Beesha, ka shaqaynta danta guud, baadi-doonka baylahda faraha baddan ee ka maqan Beesha.

Waxay si qoto dheer ugu gunddo dageen arrimahan soo socda-

  1. Markaanu aragnay buuqa iyo kala qaysanaan ka muuqta Beesha.
  2. Markaanu aragnay in aydaan ilaa maanta soo gudbin Xeer hoosaadkiinii mudadi aad dhisnaydeen iyadoo laydin waydilyay dhawr jeer Xeer hoosaadka.
  3. Markaanu aragnay inaydaan soo gudbin wax qabadkiinil mudadii aad dhisnaydeen.
  4. Markaanu aragnay inaad shirar badan qableen oo aydaan waxba kala socodsiln Saladanadda.
  5. Markaanu aragnay shirar gooni gooni ah ood u qabteen qaybo ka mid ah dhaqanka Beesha.
  6. Markaanu ogaanay inaad shirar masiirka Reerka ah la gasheen Xukuumadda oo aan Saldanaddu waxba ka ogayn.
  7. Markaanu aragnay inaan Shirkli Arabweyne ee loo balansanaa lacagtiisana hayseen aanu qabsoomin, qabanqaabadiisu muuqana.
  8. Markil aanu aragnay Inaydaan ku koobnayn wixiil laydiin igmaday.

Sidaa awgeed waxaanu go’aaminay:

  • In maanta laga bilaabo oo ku laariikhaysan warqadan aanu idin kala diro.

2- In Beeshu dib u soo dooran doonto Guddi Cusub oo laga soo saari doono Jilibada Beesha marka Shirweynaha Beeshu qabsoomo

MAGACYADA GUDDIDA LA KALA DIRAY EE AFGARAD 3,

Cabdalle Abokor

  1. Sh. Abdikhaaliq Sh.Ahmed Farax
  2. Badri Mohamed Hassan,
  3. Mohamed Amin Abdirahman Cilmi

4 Xussen Abdullahi Dacar (X Geesh)

Sheekh Cusmaan

  1. Xamse Dahir Abdullahi 2 Sheekh Ibrahim Osman

Muuse Abokor

  1. Moh’d A/Rahman J-Dhiin (Cadaawe)
  2. Sheekh Mubaarig Muuse

3 Ibrahim Siclid Yusuf

  1. Abdirahman liman Xassan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com