SOMALILAND: Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Fanaanada Caanka Ah Ugbaad-ARAGSAN.

SOMALILAND: Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Fanaanada Caanka Ah Ugbaad-ARAGSAN.

Hargeysa(Hayaannews): Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga u taxaabay Fanaanada Caanka ah ee Ugbaad Maxamuud Cabdi (Ugbaad-ARAGSAN) oo ka tirsan Fanaaniinta Xidigaha Gees-ka.kadib markii ay ku eedeeyeen inay baraha bulshada ku faafisay dhaqamo xun-xun oo ka soo hor-jeeda diinta Islaamka.

Sida ay Shabakada Wararka ee Hayaannews ku heshay ilo xog-ogaala xadhiga fanaanadu waxa sababay cadho ka dhalatay Hees ay u qaaday Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, iyo bandhig Faneed ay habeenkii ciida ku qabsatay BEERTA LIBAAXA, kaas oo markii hore ay doonaysay inay ku qabsato CAWEYS iyo CAANO ee Xaafada Massallaha ay iska hor taagtay xukuummaddu.

Xadhiga Fanaanada oo aanay ciidamada boolisku u soo marin sifo sharciga waafaqsan ayaa qeyb ka ah olole ay xukuumaddu ku cabsi gelinayso fanaaniinta, iyada oo hore u xidhay Fanaaniin, Abwaano, YouTube-ro  iyo Weriyayaal, kuwaas oo dhammaantood muddo dheer xidhnaa,balse markii danbe la soo daayay, kadib markii lagu waayay wax denbi ah.

Hab-dhaqanka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa caadeysatay inay xabudhiso, isla markaana ku xad-gudubto xuquuqda dadka muwaadiniinta iyada oo si gaara u bar-tilmaameysata dad gaara, halka aan hoos loo eegin kooxaha taabacsan maamulka HEEGO.

SOMALILAND: Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Fanaanada Caanka Ah Ugbaad-ARAGSAN.

Maaha markii horeysay ee ay xukuumaddu xidho fanaanad, balse way soo noqnoqotay.

#Mustafe_Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com