SOMALILAND: Natiijada Hordhaca Ee Codbixinta Lix Degmo-doorasho Oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa (Hayaannews)- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Degmooyinka lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee codbixinta, ayaa kala ah Taleex, Xuddun, Lughaya, Saylac, Gar-adag iyo Sallaxley.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa hoggaaminaya inta badan lixda degmo ee codbixintooda lagu dhawaaqay. Lixda degmo wadar ahaan marka laysku daro kuraasidoodu yihiin 55 Kursi, kuwaas ooo 30 ka mid ah uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ka helay 17 Kursi. Xisbiga UCID ayaa helay 9 Kursi.

 1.     Sallaxley

 Natiijada hordhaca ah ee Degmada Sallaxley ee golaha deegaanka

KULMIYE  = 4

UCID          = 3

WADDANI  =2.

 

  1. Gar-Adag

 

2.1  Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag ee golaha deegaanka.

 

KULMIYE  = 4

WADDANI  =3

UCID           =2

 

  1. Salylac

 

3.1:  Degmada Saylac ee golaha deegaanka

 

 

KULMIYE    = 4

 WADDANI   = 4

 UCID           =  3

 

  1. Xudun

 

4.1. Degmada Xudun

Natiijada hordhaca ah ee golaha deegaanka ee Xudun 9 Xubnood.

 

  1. KULMIYE =7
  2. =2
  3. UCID =0

 

 

  1. Lughaya

5.1 Natiijada hordhaca ah ee degmadda Lughaya ee golaha deegaanka.

 

a).  KULMIYE  =5

  1. b) WADDANI =2
  2. c) UCID =2

 

6.TALLEX

 

6.1; Najiijada Dhor-dhaca ee Degmada Taleex

 

KULMIYE  = 6

WADDANI = 3

UCID          = 0

 

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com