SOMALILAND Oo Go’aan Ka Soo saartay Qorshe Soomaaliya Ku Dhawaaqday

Hargeysa (Hayaannews)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigooda toddobadlaha maanta ka soo saaray qodobbo khuseeya xaaladda ammaanka dalka, xuska 18-ka maalinta madax-bannaanida Somaliland iyo jawaabta dhawaaq ka soo yeedhay Soomaaliya.

Fadhiga 10aad ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ku qabsoomay madaxtooyada, ayaa laga soo saaray go’aamo ka kooban saddex qodob oo mid ka mid ah lagaga jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay Soomaaliya oo ku hawlan tirakoob Guud oo laga samaynayo Dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Tirakoobka oo Qaramada Midoobay ka caawinayso Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay “In aanay Qaranka Somaliland khusaynin  Tiro koobka ay Soomaaliya ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduudo caalami ah.  Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure)”, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com