#SOMALILAND:  Oo Ka Qeybgashay Shir Caalamiya Oo Ka Dhacay Dalka #Zambia

Zambia(#Hayaannews): Waxa maanta ka fumay dalka Zambia caasimadiisa Lusaka ka caalami ah oo ku saabsan horumarinta  waxbarashada kaas oo ay ka qayb galeen afar dal oo kala ah; (Uganda, Angola, Somaliland iyo Eriteria).

Shirkaas oo si rasmi ah loogu marti qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka qayb-galay agaasimayaasha Horunarinta Manaahijta SL Md. Muxamed Cali Cumar.  Agaasimaha Waxbarashada dedban Marwo: Sucaad Muxamed Cabdi, Agaasimaha Waxbarashada Tooska. Xuseen  Cabdi Cawil (Foodcadde) iyo Madaxa Waxbarashada UNICEF Marwo Safiya Jibriil Cabdi

Shirkan oo socon doona muddo saddex ayaamood ah ayaa waxa uu daarran yahay, sidii kor  loogu soo qaadi lahaa waxbarashada ardeyda dugsiyada Hoose kaas oo qayb ka ah barnaamij balaadhan oo kor loogu qaadaayo waxbarashada dalalka Afrika gaar ahaan, kuwooda dhaca bariga iyo koonfurta oo layidhaa TaRL (Teaching at Roght Level ) kaas oo ay Somaliland ka taageerayso Hayadda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada ubadka ee UNICEF. Waxanu si tijaabo ah uga bilaami doonaa badhtamaha sannadkan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com