#SOMALILAND: Wasaaradda Ganacsiga Oo Iftiimisay Ganacsi Khatar Weyn Ku Ah Caafimaadka Bulshada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mr Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan

Hargeysa(Hayaannews): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mr Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan ayaa iftiimiyay ganacsi khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada.

Sidaa waxa uu Agaasime Cabdirashiid Ibraahim waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Kuwa aan ummadooda u naxayn ee ganacsatadana magaca ka kharribayaa waxay marayaan heer ay xataa DAAWOOYIN-kii ganacsiga dalka loo keenay ee saxda ahaa ay inta ay India & China la tagaan iyadoo FAKE ah ay dalka keenaan. Kuwo badan ayay tallaabo ka qaadday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Marka tallaabo laga qaado ee la asturana, waxa ay helayaan suxufi iyo siyaasi igu shubo ah oo aan waxa ay qorayaan xogogaal u ahayn. Haddii mukharribiinta ganacsiga ee alaabtooda FOOJARIGA ah laga joojiyay is asturi waayaan – la asturi maayo ee waa la baahin doonnaa xogtooda.

In meel looga soo wada jeesto mukharribiinta ganacsiga ee magaca ka dilaya ganacstada dalka, isla markaana sumaynaya ummadda waxa ku jira badbaadada dadkeenna iyo ajar aakhiro iyo adduunkaba ah.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mr Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com